Real Madrid iyo Barcelona ayaa labaduba xiiseynaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Fabian Ruiz, kaasoo door muhiim ah u soo ciyaaray Spain Euro 2024, wararka ka imaanaya Spain ayaa sidaas sheegay.
28-sano jirkaan ayaa u ciyaara kooxda Ligue 1 ee Paris Saint-Germain, kaasoo uu ku biiray Agoosto 2022 ka dib afar sano oo guul ah oo uu Talyaaniga kula soo qaatay Napoli.
Marka laga soo tago Nico Williams, Lamine Yamal iyo Rodri, Fabian waxa uu ahaa mid ka mid ah xiddigaha Spain ku guuleystay Euro 2024, isagoo gool ka dhaliyay wareega group-yada ee Croatia ka hor inta uusan shabaqa soo taabanin kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Georgia wareega 16ka.

Majarada Isbaanishka ee SPORT ayaa ku warameysa in Fabian, oo seddex sanno uga harsan tahay qandaraaskiisa PSG, uu xiiseynayo Real Madrid, inkastoo xidgo khad dhexe oo badan uu horay u haysto Carlo Ancelotti.

Tababaraha reer Talyaani ayaa haysta Federico Valverde, Aurelien Tchouameni, Eduardo Camavinga iyo Luka Modric iyo kuwa kale, inkastoo kan dambe uu haatan yahay 39 jir waxaana ay u badan tahay inuu xilli ciyaareedkiisii ​​ugu dambeeyay ku ciyaari doono caasimada Spain. Ancelotti ayaa hore Fabian ugala soo shaqeeyay Napoli.

Fabian ayaa laga yaabaa inuu noqdo bedelka xiisaha leh ee 15-ka jeer ku guuleystay Champions League, Modric kaasoo horey u heystay mid ka mid ah kooxaha ugu awooda badan kubada cagta adduunka.
Madrid ayaa hore u haysatay weeraryahan ku faana saddexda ciyaartoy ee Vinicius Junior, Jude Bellingham iyo Rodrygo ka hor suuqii xagaaga, laakiin hadda waxa ay ku dartay Kylian Mbappe iyo Endrick. Waxa kale oo ay si gaar ah ugu kaydsan yihiin difaaca – Antonio Rudiger iyo Dani Carvajal oo ka mid ah xiddigaha ugu bandhigga sarreeya boosaskooda.




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *