Wakiilka xidiga garabka ka cayaara ee naadiga Athletic Club Nico Williams ayaa shaaca ka qaaday in xidiga baahida badan loo qabo uusan si fudud u dooneynin inuu ka tago kooxdiisa xagaagan. Isaga oo heshiiskiisa ku qaatay £49m oo lagu fasaxay, Williams ayaa u muuqday inuu noqon karo mid ka mid ah saxiixyada ugu weyn xagaagan iyadoo Arsenal, Chelsea iyo Barcelona ay dhamaantood eryadeen saxiixiisa, laakiin 22-jirkaan ayaa ugu dambeyntii diiday dhamaan dalabyadaa isagoo doortey in uu baaqi ku sii ahaado kooxdiisa ee Athletic.

Isagoo la hadlayay wargeyska Cadena SER, Wakiilka Williams ayaa qiray in ay ahayd daaqad kala iibsi dhib badan balse waxa uu amaanay laacibka siduu daacad u ahaadey. waxa uu soo maray sanad cajiib ah , waxa uuna ii xaqiijiyay in uu aniga ahaan, ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee Euro 2024,” ayuu yiri wakiilka Felix. Wakiilo oo kooxo kala duwan ka socdy ayaa noo imaadey, safar badan… Waan faraxsannahay, laakin wax waliba waxay isku ahaayeen cariiri waqti oo aad u yaraa awgiisa.

“Wiliam wuxuu go’aansaday inuu sanad kale sii joogo. Waxa aanu halkan u joognaa in aanu ka shaqayno, kuna taageerno go’aannadiisa oo aanu kula talino. Wuxuu rabay inuu joogo. Waxaa daliil u ah in marka uu ciyaaryahanku doonayo inuu naadiga joogo oo uusan doonaynin inuu isaga tago.

“Ciyaaryahanka iyo qoyskiisaba waxay leeyihiin xorriyad buuxda. Waa wax aad u fudud in la soo weeraro wakiilka, Waxaan nahay kansarrada kubada cagta, baraska kubada cagta, laakiin markaa waxaa jira agaasimeyaal badan oo cayaaraha ah oo aan haysan naadi oo wakiilo noqda. Arrintaasi ayaan in muddo dagaal kula jirnay. Saaxiibkiisa xulka dalka Spain Lamine Yamal ayaa si cad u xaqiijiyay damaciisa ah in uu la cayaaro laacibka xidigaha heerka kooxda waxa uuna dhawaan xaqiijiyay doonistiisa ah in uu arko xidiga kooxda Barcelona. “Ma ogi haddii Williams uu ku biiri doono Barcelona sanadka soo socda],” ayuu Yamal u sheegay Antena

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *