Waxaa maanta kulankooda dhexmarey labada kooxood BBG iyo Daarusalaam oo ka dhisan magaaladan baydhabo.   labad koox ayaa isku Group ahaa   waxayna ka tirsanaayeen Group B  oo maanta la sugaayey  kulan kala bax ah. Kulankaan wuxuu u dhaxeeyey labada kooxood oo ka tirsanaa group dhimashada hadii BBG  badiso waxaa hari lahaa  Daarusalaam  lkn badis iyo Bareejo waxaa kusoo bixi lahaa daarusalaam waxayna la heed 4 dhibcood daarusalaam waxay raadineysay oo kali ah hal dhibac  halka BBG ay raadineysay badis oo kali ah. BBG waxay horey u gashey saddex mar oo bareejo  ah danteeda waxay aheed in ay badiso oo kali ah  lkn waxaa labada naadi dhexmartey ciyaar kulul  taas oo  qeybta hore lagu kalanasadey 0-0  galinkii dambe ayaa  ciyaarta lagu darey 8 daqiiqo ayaa naadiga Daarusalaam  goal la imaatey waxaana meeshaas ku quursadey rajadii ay laheed naadiga BBG waxayna sidan ay kaga hartey koobkii Baidoa Cup  waxaa  hada  xaqiiqsadey 4 naadi  oo kala ah Horseed, Baysom,Shimateeri,iyo Daarusamaal   waxaana dhiman in ay soo baxaan 4 naadi oo kale si loogu gudo 8 dhamaadka koobkaan.

kulankaan sida caadada aheyd waxaa soo xaadirey garoonka taageerayaal labada kooxba ka socdey iyagoo u soo daawasho tagey koox waliba taageerayaal aad u xamaasad badan kuwaas oo ka kala yimid dhamaan xaafadaha magaalada caasimada ah ee Baydhabo. labada kooxood ayaa soo bandhigey cayaar aad u degan oo aan la heyn wax badan oo buuq ah laheen. kooxdii badisey iyo tii laga badiyeyba waxey ahaayeen laba koox oo kubad fiican u soo bandhigey taageerayaashoodi soo buux dhaafiyey garoonka maanta ee ahaa Dr Ayub stadium oo uu ka socdey koobkaan kaasi oo soo bilowdey bishii Julaay.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *