Manchester United ayaa is badal weyn ku samaysay gudaha iyo dibada kooxda 12-kii bilood ee la soo dhaafay waxaana maamulaha kooxda ee Omar Berrada uu ka hadlay dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay ee xagaagan iyada oo kooxdu ay shaaca ka qaaday natiijooyinkii ugu dambeeyay ee maaliyadeed ayaa la shaaciyey maanta iyadoo kooxda .
Manchester United ayaa ku dhawaaqday dakhligii ugu badnaa ee soo gala sanadkii la soo dhaafey £661.8million.

United ayaa maanta soo bandhigtay tirokoobkooda sanadka oo dhan, iyagoo ku faanaya dakhliga rikoorka ah. Laakiin khasaaraheedina kor u kacay ilaa £113.2m, taas oo ay sabab u tahay kor u kaca maalgashiga kooxda ciyaarta marka loo eego iibsiga cayaartoyda iyo mushaharka. kooxda United waxa ay bilawday barnaamij kharash-badbaadin ah si ay kooxdu u samayso dhaqaale waara, iyada oo shaqaalo dhimis la taaban karo ay hore u samaysay.

Omar Berrada, Madaxa Sare ee United, ayaa yiri: "Waxay u ahayd xilli cayaareed mashquulka ah ee kooxda, iyadoo xeryo tababar oo guul leh la sameeyey ee loogu talagalay kooxda ragga iyo kooxda haweenka.

"Waxaan ku xoojinay kooxdeena koowaad shan ciyaartoy oo tayo sare leh waxaanan dejinay qaab-dhismeed cusub oo kubbadda cagta ah si aan taageero weyn u siino macalinkeena, Erik ten Hag.
"Dan Ashworth waxaa loo magacaabay Agaasimaha Ciyaaraha, Jason Wilcox wuxuu nagu soo biiray annaga oo ah Agaasimaha Farsamada, waa laba khabiir oo khibrad leh oo aad loo ixtiraamo kuwaas wax weyn ku soo kordhin doona kooxdeena. Waxaan ku darnay lix ciyaaryahan kooxdayada haweenka waxaanan maalgelineynaa si aan u hubinno in dhammaan kooxaheennu ay heli karaan tas-hiilaadka tabobarka heer caalami ee Carrington oo si buuxda loo dayactiray.
"Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay inaan kordhinay wadashaqeyn shirkada Snapdragon ee dhanka xayeysiinta,
"Markaan bilaabey doorkayga cusub ee madaxa fulinta ee kooxdan taariikhiga ah, waxaan dhamaanteen diirada saarnay inaan si wadajir ah u shaqeyno si aan u abuurno mustaqbal ifaya oo guulo kubada cagta ah udub dhexaad u ah. Waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan u sii jiri lahayn dhaqaale ahaan waxaanan isbeddel ku sameyneynaa howlaheena si aan uga dhigno kuwa hufan,

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *