Liiska ay Manchester United soo bandhigtay waxaa ka mid ah Adam Wharton oo Crystal Palace ah iyo kan Middlesbrough ee Hayden Hackney kuwaas oo ah labada bartilmaameed ee ugu sareeya ee khadka dhexe. (Fichajes - Spain)

Viktor Gyokeres uma badna inuu ka tago Sporting CP inta lagu guda jiro suuqa January inkastoo Arsenal iyo Chelsea ay xiiseynayaan. Weeraryahanka ayaa la dhacsan Portugal waqtigaan. (Football Inisder)

Liverpool ayaa laga yaabaa inay iska iibiso gool haye Alisson xagaaga dambe ka dib markii ay heshiis la gaartay Giorgi Mamardashvili oo ka tirsan Valencia. Waxay sidoo kale xiiseynayaan inay Takefusa Kubo ka helaan Real Sociedad. (Fichajes - Spain)

Carlo Ancelotti ayaa doonaya in Real Madrid ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Fabian Ruiz kaas oo uu horay uga soo wada shaqeeyay Napoli. (Defensa Central - Spain)

Daafaca garabka ee Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong ayaa sidoo kale ku rajo weyn inuu u dhaqaaqo Real Madrid, inkastoo ay xiiseyneyso Barcelona. (Defensa Central - Spain)

Barcelona ayaa ka fikiraysa in ay heshiis la gaarto weeraryahanka kooxda Lille Jonathan David kaas oo uu heshiiskiisa waqooyiga France dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan. (El Nacional – Spain)


Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay dib ula soo wareegto Marc Guehi oo ka tirsan Crystal Palace inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga 2025. Eagles ayaa diiday dalabyo gaaraya ilaa 70 milyan ginni oo ay Newcastle United ku dooneysay daafaca bilihii lasoo dhaafay. (TBR Football)

Manchester City
ayaa dooneysa inay la soo wareegto labada ciyaaryahan ee Bayer Leverkusen Florian Wirtz iyo kan Bayern Munich Jamal Musiala sanadka 2025. (HITC)
Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa la siin doonaa lacag dhan 100 milyan ginni si uu u qarash gareeyo inta lagu guda jiro suuqa January. (The Sun)



Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *