Chelsea waxay qarka u saaran tahay ‘dagaal sokeeye’ qolka guddiga milkiilayaasha chelsea iyadoo Todd Boehly uu diyaar u yahay inuu isku dayo oo uu iibsado saamiga mulkiilayaasha kale ee kooxda Boehly wuxuu ku biiray Behdad Eghbali iyo Jose E. Feliciano, milkiilayaasha Clearlake, iyagoo maamulka Chelsea kala wareegay 2022 markii Roman Abramovich lagu qasbay inuu iibiyo kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, warbixino kala duwan oo bilihii la soo dhaafay ayaa soo jeedinaya xiriirka ka dhexeeya lahaanshaha ayaa xumaaday. Jimcihii, Bloomberg waxay sheegtay in Boehly iyo Clearlake labaduba ay ka fiirsanayeen inay wada iibsadaan kooxda dhan sheerarkeeda.

Tan waxaa ku xigtay wargayska Telegraph oo sheegay in Clearlake aysan wax dan ah ka lahayn iibinta saamiga kooxda. Warbixin gaar ah ayaa hadda ku dartay in Boehly uu rumeysan yahay inuu kor u qaadi karo in ka badan £ 2.5bn si uu ugu soo bandhigo dalab Clearlake taasoo u arki doonta inay faa’iido ka helaan maalgashigooda 2022. Waxaa la rumeysan yahay inay jiraan kala aragti duwanaansho badan oo ku saabsan arrimaha muhiimka ah taasoo keentay burbur ku yimid xiriirkii labada dhinac.

Boehly waxa uu aaminsan yahay in xaalada dabaqa sare ee Stamford Bridge ay tahay mid aan la xajin karin waxana uu bartilmaameedsanayaa xal degdeg ah si uu u joojiyo in dagaalka sokeeye ka qarxo maamulka sare ee kooxda.

Maalqabeenka u dhashay Mareykanka, oo sidoo kale saami ku leh Horyaalka Kubadda Koleyga ee LA Dodgers, ayaa la sheegay in uu Chelsea u hayo qorshe 30 sano ah, kaas oo ku lug leh dhismaha garoon cusub. Labada dhinac midkoodna uma muuqdo mid raba inuu u janjeersado xaaladda lahaanshaha. Iyada oo qayb ka ah heshiis cajiib ah oo aan hore loo arag, milkiilayaasha Chelsea hadda waxay bedeli karaan guddoomiyenimada shantii sanoba mar, halka ay xaq u leeyihiin inay la mid noqdaan ama ay xannibaan dalabyada maalgashiga dibadda haddii labada dhinac ay rabaan inay iibiyaan saamigooda.









Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *