Kooxaha PSG iyo Juventus ayaa isha ku haya xaalada Mohamed Salah oo heshiiskiisa Liverpool dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kaan. Haddii Salah uusan cusbooneysiin, wuxuu xor u noqon doonaa inuu la hadlo koox kasta ah laga bilaabo Janaayo. (El Nacional – Spain)

Chelsea iyo PSG ayaa laga yaabaa inay dib u soo celiyaan xiisahooda Victor Osimhen marka uu amaahdiisa ku dhamaado Galatasaray oo uu ku laabto Napoli sanadka soo socda. (Caughtoffside)

Kooxda Man United ayaa qorshaynaysa in ay keento badalka mustaqbalka fog ee labada xiddig ee khadka dhexe ee Casemiro iyo Christian Eriksen sanadka 2025. (GIVEMESPORT).

Liverpool ayaa qandaraas cusub u soo bandhigi doonta kabtanka kooxda Virgil van Dijk, inkastoo ay aqbashay inuu go'aanka ugu dambeeya ka yeelan doono mustaqbalkiisa. Qandaraaska Van Dijk waxa uu dhacayaa 2025. (Football Insider).

Erling Haaland ayaa ku dhow inuu heshiis cusub la galo Manchester City ka dib markii Real Madrid ay qaboojisay xiisihii ay u qabtay weeraryahanka. (MARCA – Spain)

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Rodrygo ayaan ku faraxsanayn ka dib markii laga saaray liiska musharixiinta u sharaxan abaal marinta Ballon d’Or ee sanadkan, halka saxaafada Spain ayna soo xigan marka ay ka hadlayaan weerarka xiddigo badan ee kooxda. (Relevo - Spain)


Barcelona ayaa raacdeysan doonta labada ciyaaryahan ee reer Jarmal Joshua Kimmich iyo Jonathan Tah xagaaga soo aadan. Barca ayaa ku guuldareysatay inay Tah kala soo wareegto Bayer Leverkusen sanadkan, laakiin qandaraaskiisa isaga iyo Kimmich labaduba wuxuu dhacayaa 2025. (Mundo Deportivo - Spain).


Bayern Munich ayaa jeclaan lahayd inay la soo wareegto Marc-Andre ter Stegen si uu u noqdo bedelka mustaqbalka fog ee Manuel Neuer, laakiin wax xiiso ah uma hayo inuu ka tago Barcelona. (El Nacional – Spain)

Real Madrid ayaa bilaabi doonta dalab ay ku doonayso saxiixa William Saliba xagaaga soo socda, indha indheeyayaal kooxeed ayaa durba si dhow ula socda qaab ciyaareedkiisa Arsenal. (Fichajes - Spain)

Arsenal iyo Man City ayaa u dhaqaaqi doona saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies kaas oo si xor ah uga tagi doona 2025 inkasta oo uu horay u ogolaaday in uu ku biiro Real Madrid. (HITC)

AC Milan waxa ay buugaagtooda ku haysataa afar ciyaaryahan oo hore oo Chelsea ah kuwaas oo kala ah Fikayo Tomori, Ruben Loftus-Cheek, Tammy Abraham iyo Christian Pulisic, waxaana laga yaabaa inay bisha January ka soo qaataan Carney Chukwuemeka Stamford Bridge. (SportMediaset - Italy)

Tottenham Hotspur iyo Chelsea ayaa labaduba xiiseynayay saxiixa daafaca bidix ee aadka loo qiimeeyo ee Patrick Dorgu xagaagan, laakiin waxaa ka diiday Lecce oo 30 milyan ginni ku dooneysay. (Fabrizio Romano)

Mateo Kovacic ayaa ka fiirsanaya inuu ka tago Man City ka dib go’aankii ay kooxdu dib ula soo saxiixatay Ilkay Gundogan oo ka yimid Barcelona. (Football Insider )

Newcastle United ayaa tijaabin karta go’aanka Nottingham Forest ee Anthony Elanga bisha Janaayo ka dib markii ay ku guuldareysteen inay la soo wareegaan maalinta ugu dambeysa. (Football Insider)
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *