Mikel Arteta ayaa qirtay inuu aad ula yaabay go’aankii casaanka ahaa ee loogu taagay Declan Rice kulankii ay Arsenal barbaraha 1-1 la gashay Brighton & Hove Albion.
Iyadoo Gunners ay 1-0 ku hogaamineysay waqtigaas, Rice ayaa loo taagay kaarka jaalaha labaad ka dib markii uu si fudud kubada u laaday, iyadoo go’aankaasi uu ugu dambeyntii bedelay ciyaarta islamarkaana u ogolaaday Joao Pedro inuu daqiiqado yar ka dib dhaliyo goolka barbaraha.

Pedro ayaa nasiib ku lahaa isagoo sameyey xaalada la mid ah mid uu hada rice sameyey. Kubbada ayuu u laaday banaan ka dib markii loo diidey koorne uu rabey qeybtii hore ee ciyaarta, lakiin lama siinin waxa kaar ah, taasoo la micno ah in jaalihiisii ​​soo daahay uu ugu dambeyntii aan waxba ka bedelin cayaarta.

Markii la waydiiyay fikirkiisa ciyaarta ka dib, Arteta ayaa markii hore ku dooday in aan Declan Rice aanu si badheedh ah kubbada ugu dhufan ka hor inta aanu samayn isku day cad oo uu ku laaday, iyo in aanu si ula kac ah u daahin kubada dib ka bilaabashada, taas oo ahayd sababta rasmiga ah ee loo saaray.
"Waan yaabay," ayuu yidhi. "Yaab, yaab, amakaag. Kubaddu waxay ku dhacdaa ciribta Declan, ma arkeynin ciyaaryahanka, run ahaantii waan la yaabay go aankii garsooraha"

Ka dib Arteta ayaa ku doodey sababta " garsoore Chris Kavanagh oo ku guuldareystay inuu Pedro siiyo kaarka jaalaha ah qeybtii hore. “Qeybtii hore markii ay kooxda naga soo horjeeday sidaas sameeyeen ma la siin wax jaale ah” ayuu tababaraha Arsenal u sheegay MOTD. sharci ahaan waan ogolaan karaa, laakiin waa inuu ahaado mid loo siman yahey ah. Haddii ay taasi dhaci laheyd, oo laga saari lahaa ka dibna waxey ahaan laheyd 10 vs 10. "Cajiib, kooxda iyo falcelinta taageerayaasha ka dib markaan 10 qof noqoney, waxaan abuurnay labo fursadood oo waaweyn mid iyo hal, waxaana ay ahayd inaan badino ciyaarta."




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *