Chelsea ayaa u dooratay weeraryahanka kooxda Everton Dominic Calvert-Lewin si uu u noqdo bedel ka jaban marka loo eego kan Napoli ee Victor Osimhen, ka dib markii lagu heshiin waaye mushaharaadka uu dalbadey xidiga reer Nigeria (The Sun).

Juventus ayaa doonaysa in Manchester United ay bixiso qayb ka mid ah mushaharka Jadon Sancho si ay amaah ugu qaadato xiddiga garabka uga ciyaara England xilli ciyaareedka 2024/25. (Gazzetta dello Sport)

Man United ayaa isu diyaarisay iney soo qaataan xiddiga Fluminense Andre hadii ay awoodi waayaan inay heshiis ka gaaraan khadka dhexe ee Paris Saint-Germain iyo Uruguay Manuel Ugarte. (Trivela)

Real Madrid ayaan joojin raadinta xiddiga Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz kaas oo bartilmaameed weyn u ah 2025. (Defensa Central).

Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta Porto in ay ku darto heshiiska iney la iibsan karo si joogta ah Fabio Vieira heshiiskiisa amaahda ah ee uu dib ugu laabanayo dalkiisa.(The Sun)

Barcelona ayaa rajo ka qabta in ay heshiis la gaarto xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus ee Federico Chiesa ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan. (Gianluca Di Marzio)

Armando Broja oo si ku meel gaar ah ugu biiray Ipswich Town ayaa shaki la galiyay ka dib markii uu tijaabada caafimaadka u maray kooxda dhawaan soo dalacday uu muujiyay calaamado dhaawac ah. Sidoo kale waxaa ka tagaya Stamford Bridge Tino Anjorin, kaasoo wadahadalo kula jira kooxda Serie A ee Empoli si uu si joogto ah ula wareego. (The sun)

Barca ayaa isku diyaarineysa inay macsalaameyso da’yarka daafaca dhexe Mikayil Faye, kaasoo lagu wado inuu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Faransiiska ka dhisan ee Rennes ka dib markii lagu heshiiyay 10 milyan oo euro. (L'Equipe)

Tottenham Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Tottenham Hotspur Manor Solomon ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda ka ciyaarta Championship ee Leeds United ka hor inta uusan amaah ugu dhaqaaqin. (Sky Sports News)

Napoli ayaa rajeyneysa inay soo gabagabeyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton & Hove Albion Billy Gilmour inkastoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Scotland uu ciyaaray kulankii Sabtidii ay 2-1 kaga badiyeen Manchester United. (Gianluca Di Marzio)


Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *