Juventus ayaa la sheegay inay la furtey kooxda Manchester United wadahadalo ku aadan in ay suurta galnimada inay kala soo wareegto Jadon Sancho, balse heshiis guud oo ay gaaraan guud ahaan waxaa la filayaa in uu adkaan doono ka hor suuqa kala iibsigan hada maalmo yar ka dhiman. (Independent)

Napoli ayaa sahamineysa heshiis ay la gali karto Scott McTominay kaas oo qaadan kara qaab amaah ah oo ay waajib ku tahay inay iibsato. (Dharmesh Sheth)

Jarrad Branthwaite ayaa lala xiriirinayaa inuu si la yaab leh ugu dhaqaaqayo kooxda Liverpool, oo ka gudbisey dalab dhan £63m oo lagu daray £7m oo ku xiran qaab cayaareedkiisa (The sun ) Wararka kale ayaa sheegaya in liverpool ay sidoo kale la soconayso xaalada daafaca dhexe ee bayer Leverkusen Piero Hincapie. (the football Insider)

Atalanta xidigaan Teun Koopmeiners ayaa laga yaaba in kooxda Liverpool ay bartilmaameed kale u tahay kooxda Liverpool kadib markii Martin Zubimendi uu doortay inuu sii joogo kooxda Real Sociedad. (Team talk) Kooxda Real Madrid ayaa lagu wadaa inay ogolaatay in daafaca kooxda Bda ee Marvel in uu ku biiro kooxda Cordoba inkastoo ay la soo xiriireen kooxaha Sacuudiga.

Kooxda Barcelona ayaa heshiis la gaartay kooxda Atletico Madrid oo qaab amaah ah kula saxiixatay daafaca dhexe ee Clement Lenglet balse waxaa uu heshiis cusub ka saxiixi doonaa ilaa iyo sanadka 2026-ka inta uusan sii dhamaanin. (Fabrizo Romano)

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa la filayaa in ay £25 m oo ay dalab ah hordhigto kooxda Monaco oo ku aadan daafaca midig ee Vanderson ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga xirmeyn isbuuca soo socda. (L’Equipe)

kooxda Celtic macalinkooda Brendan Rodgers ayaa iska fogeeyay in uu wax dalabyo ah ka helay manchester City ee ku aadan xidigooda Kyogo Furuhashi, isagoona laacibkana kala hadlin arinkaas. (EE.UU.)

Arsenal ayaa ogolaatay inay ay fasaxdo laacibka qadka dhexe Fabio Vieira si uu ugu biiro kooxda Porto amaah ahaan. (Daily Mail)

Samuel Iling-Junior ee kooxda Aston Villa ayaa u muuqda inuu si toos ah ugu soo laabanayo horyaalka Serie A ee amaahda ah kadib markii heshiis lala gaaray kooxda u ciyaareysa Champions League ee Bologna. Laacibka ayaa dhawaan kasoo laabtey kooxda Juventus oo heshiis amaan ah kula joogey. (Fabrizio Romano)

Fenerbahce Laacibka garabka uga ciyaara ee fenerbahce iyo xulkaTurkiga ee Ferdi Kadioglu ayaa lagu wadaa inuu maro tijaaba caafimaad oo uu u marayo kooxaha Brighton & Hove Albion kadib markii la isku afgartay lacag dhan £30 m oo gini oo ah heshiis dhexmarey labada kooxood. (Aajanspor)

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *