Tababaraha Chelsea Enzo Maresca ayaa hoos u dhigay walaaca dhaawac ee ku saabsan Cole Palmer ka dib kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Servette habeenkii Khamiista ee tartanka UEFA Conference League.
Palmer kuma soo bilaaban ciyaarta Stamford Bridge, laakiin waxa uu bedel ku soo keydka qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana markii dambe uu u muuqday mid dhaawacan, isagoo heysta muruqa midig ee lugta, markii uu garoonka ka sii baxayay.
Isagoo dhaliyay 22 gool iyo 11 caawin 33 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Chelsea xilli ciyaareedkii hore, waayida ciyaaryahankaan ee da'yarka xili cayaareedkan xili kasta waxay noqon doontaa musiibo.
Waxay ahayd markii ugu horreysay ee ajandaha iyadoo Maresca uu wajahay saxaafadda ka dib, laakiin si buuxda ayuu u degganaa.
“Cole waxa uu dareemay dhaawac yar laakiin waxa uu u muuqdaa mid fiican” ayuu sharaxay tababaraha reer Italy. “ Waxaan rajaynaynaa in aanay wax dhibaato ah ahayn, waxaana uu diyaar u noqon karaa kulanka Axada ee Wolves”.

Blues ayaa wax badan ku dhalin kartay Stamford Bridge, laakiin si isku mid ah ayaa habeen kale dhawr gool looga dhalin karay. Ugu dambeyntiina, guul 2-0 ah waxay aheyd nadiijo fiican oo bilow ah inkastoo ay lumiyeen cayaartii furitaanka Premier League isbuucii hore, iyo guud ahaan waayiha macalinka cusub ee  Maresca.             "Waxaan baraneynaa sida loo maamulo ee loo kontoroolo ciyaarta," ayuu yiri macalinka. “Kubada in aan ilaalino waa ujeedka saxda ah ee ku dhaliney 2-0 laakiin naguma filna, qeybteena, waxaan u baahanahay inaan sidaas oo kale ka sameyno dhanka kale, waxay ahayd muhiim inaan ku badino ciyaartaan, waxaa jiray waxyaabo badan oo wanaagsan. "
Chelsea ayaa u safri doonta Switzerland usbuuca soo socda si ay ula soo cayaaro mark kale Servette, si booskeeda heerka group-yada ee Conference League ay ugu soo baxan. Intaa ka hor, waxa ay Wolves marti ugu tahay Molineux ee Premier League galabnimada Axada. 

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *