Waxaa galabta magaalada baydhabo ka dhacdey cayaar ka tirsan koobkii dhowaan bilowdey oo maanta la cayaartey wareegiisi labaad kaasi oo ay isku arkeen labada kooxood ee kala ah FC Shimateri iyo FC Horseed, kulankaan oo ahaa mid adag ,maadama uu ahaa is arag kooxiihi wareegii kowaad ka soo gudbey ee isugu yimaadey wareegi 2aad ,ayaa waxey koox waliba soo bandhigtey cayaar aad u xiiso badan oo koox waliba ay u qabto baahi ah in ay badiso. Qeybtii hore ee cayaarta waxaa lagu kala nastey 1-1 lakin qeybtii dambe ee cayaarta ayaa waxaa goolkii labaad la yimid kooxdii Horseed taas oo cayaarta hogaankeedi qabatey kuna guuleysatey goolkaas labaad oo ay heleen qeybtii dambe ee cayaarta. caryaarta ayaana ku soo dhamaatey jawi degan . waxey aheyd cayaar qancisey dhamaan dad weynihii u soo daawasho tagey iyagoo iska kala yimid dhamaan xaafadaha magaalada baydhabo. Insha Allah wareegaan labaad warbixintiisa oo faah faahsan ayaan idinku soo gudbindoonaa websideena ee arimaha kubada cagta ka faalooda maalinkasta.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *