Leny Yoro ayaa heshiis aan qornayn kula jira Manchester United kaas oo u ogolaanaya inuu mustaqbalka ugu biiro Real Madrid lacag ka badan €50m (£42.5m). (Defensa Central - Spain)

Real Madrid suuqa kala iibsiga xagaaga 2025 ayaa la arki doonaa in Real Madrid ay soo bandhigto dalab 100 milyan euro ah oo u dhiganta (£85.1m) oo ay ku dooneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri.
Real Madrid ayaa bixin karta qiimaha lagu burburin karo daafaca bidix ee Girona Miguel Gutierrez iyadoo rajeyneysa inay qiimo fiican ku helaan. (AS - Spain)

Liverpool raadaarkoda  waxaa ku jira xidiga ka tirsan kooxda RB Leipzig Mohamed Simakan, kaasoo u furan inuu ka tago kooxda Bundesliga ka dhisan hadii lagu helo qiimaha ay kooxdiisa dooneyso. (Sky Sports Germany)

Man City ayaa ogolaatay inay daafaca garabka ka ciyaara ee Joao Cancelo ka iibiso kooxda Saudi Arabia ee Al Hilal qiimo ka badan €35m (£29.8m). (City report)
Cancelo ayaa ah bartilmaameedka ugu sareeya ee Barcelona, ​​laakiin kooxda La Liga ayaa sidoo kale ka fiirsaneysa bedelka macquulka ah ee Almeria Marc Pubill. (SPORT – Spain)

Man Utd ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto daafaca bidix ee Chelsea Ben Chilwell ka dib markii loo sheegay inuu xor u yahay inuu ka tago Stamford Bridge. ( talkSPORT)

Arsenal ayaa diyaar u ah inay Atalanta u siiso 42.5 milyan ginni iyo Jakub Kiwior oo ay kula soo wareegayaan garabka Ademola Lookman, kaasoo lagu qiimeeyo ku dhawaad ​​59.5 milyan ginni. Liverpool ayaa sidoo kale wax ka weydiisay 26 jirkaan.
Dhanka kale, Atalanta ayaa diiday dalab ka yimid Man Utd oo ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ederson, laakiin waxey sugayaan dalab cusub ayaa la filayaa inay timaado. (Alfredo Pedulla)

Man City ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Celtic Kyogo Furuhashi iyagoo raadinaya bedelka Julian Alvarez. (Sky Sports News)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay kula tartanto Real Madrid saxiixa 17 jirka khadka dhexe ee River Plate Franco Mastantuono, kaasoo kaliya loo ogolaan doono inuu baxo haddii la bixiyo lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah 50 milyan oo Yuuro (£42.5m). (Perla Londres)

Weeraryahanka Crystal Palace Jean-Philippe Mateta ayaa u furan inuu ka tago kooxda, waxaana xiiseynaya Aston Villa. (The Express)

West Ham United ayaa filaysa dalabyo amaah ah oo ay ku doonayso xiddiga garabka ka ciyaara ee Maxwel Cornet oo ay ka helayaan kooxo badan oo ka dhisan Turkiga. (The Sun)Ikon för Verifierad av gruppenWixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *