Garoonka caalamiga ah ee magaalada Baydhabo oo ayaamahaan uu ka socdey Baidoa cup ayaan galabtana sidii caadiga aheyd lagu cayaarey kulan kale oo ay iska hor yimaadeen labada koox ee kala ah FC dicoter iyo kooxda Five street . kulankaan ayaa waxaa garoobka aad u buux dhaafiyey taagerayaal labada koox kala kala socday kuwaaso u soo daawasho tagey in ay ku raaxeysaan kubada ay cayaarayaan kooxaxooda. Kulaan oo ahaa mid adag oo kooxaha ay si aad ah ugu soo diryaar garoobeen ayaa waxaa la iska dhaliyey 3 gool guud ahaan kulankii maanta. FC dicoter ayaa dhaliyey 1 gool halka kooxda Five street ay dhaliyeen 2 gool. waxaan guusha ku raacdey kooxdii u qalantey ee 5 Street ayaa si fiican ugu soo dadaashey guushaas oona xajistey ilaa cayaarta ka dhamaatey. Koobkaan sii kululaanaya ayaa wali waxaa socda wareegiisi kowaad. kulumadaan iyo kuwo kale oo dhici doono waxaad kala socon doontaan Insh Allah websiteena. kulankasta faaf faahintiisa iyo sawiradiisa waa naga diyaar in aan idin soo gubdino.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *