Manchester United ayaa diyaar u ah inay u ogolaato afar xubnood oo ka tirsan kooxda koowaad inay baxaan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan dhamaadka bishaan. Shayaadiinta cas cas ayaa mashquul ku ahaa suuqa kala iibsiga ugu horeysay inta maamulaan milkiilayaasha cusub ee INEOS, iyadoo Joshua Zirkzee, Leny Yoro, Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui ay dhamaantood u yimaadeen si ay u xoojiyaan kooxda ku guuleysatay FA Cup oo ku dhameysatay kaalinta sideedaad ee horyaalka Premier League ee ugu dambeysay.United ayaa sidoo kale awooday inay iska iibiso Donny van de Beek, Willy Kambwala, Mason Greenwood iyo Aaron Wan-Bissaka, laakiin wali waxaa jira cayaartoy u baahan in la bedelo si tababare Erik ten Hag loo siiyo koox shaqo badan.
Manchester Evening News ayaa ku warameysa in kooxdu ay ku faraxsan tahay inay ka takhalusto Jadon Sancho, Scott McTominay, Hannibal Mejbri iyo Victor Lindelof. Kaliya McTominay oo afartaas ka mid ah ayaa lagu soo daray kooxdii garaacday Fulham jimcihii hore, isagoo badel soo daahay ku soo galay ka hor inta uusan Joshua Zirkzee dhalin goolka guusha.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Scotland ayaa waxaa xiiseynayay Fulham, kaasoo lagu soo waramayo inay dib ula soo laabteen wadahadaladii United ka dib markii ay hore laba dalab uga soo diideen.
Sancho ayaa lagu soo daray kooxda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub laakiin ma uusan cayaarin kulankii Fulham, iyadoo Ten Hag uu sheegay arin taam ahaansho la aan ka hor istaagtay in la magacaabo maalintii ciyaarta. Waxaa sidoo kale jira warar xan ah oo la isla dhex marayey inay xiiseynayaan kooxda ay ku xafiiltamaan Premier League ee Chelsea.

Hannibal ayaa bartilmaameed u ah kooxda ka ciyaarta Championship-ka ee Burnley, halka Facundo Pellistri uu si rasmi ah uga tagay Old Trafford isagoo ku biiray kooxda ka dhisan Giriiga ee Panathinaikos. Daafaca Lindelof ayaa dhawaan lagu arkay baraha, waxaana qandaraaskiisa haatan uga harsan sanad kaliya.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark Christian Eriksen ayaa sidoo kale laga yaabaa in loo ogolaado inuu baxo ka hor dhamaadka ciyaarta, iyadoo United ay dooneyso inay hesho 5 milyan ginni si ay ugu ogolaato in uu baxo xiddigii hore ee Tottenham Hotspur.
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *