Kulan ayaa maanta ka dhacey magaalada caasimada gobobka bay ee Baydhabo garoonka Dr Ayub stadium kaasi oo ay soo xaadireen dad weynihii ugu badnaa ee dhawaanahaaan u soo daawasho tagey kulan kubad cagta ee ka dhaco deegana koonfur galbeed somaliya. Cayaartaan oo u dhaxeysay labada kooxood ee kala ah FC Baidoa iyo kooxda kale ee FC Salaamey, kulan kaan oo ku bilowdey jawi aad u macaan ayaa waxaa haafkii hore ee cayaarta lagu kala nastey 1-1 oo koox waliba ay ilaalshatey goolkeeda oo aanan siinin kooxda ka soo horjeeda wax fursad ah , labada kooxoodba waxey soo bandhigeen kubada isku dheeli tiran. laakin qeybtii dambe ee cayaarta ayaa waxaa isbedel la yimid kooxdii Salaamey ayagoo dhaliyey goolkoodi labaad oo ay cayaarta hogaanka ugu qabteen ayagoo diidey in ay bixiyaan wax fursad ah oo lagu soo bar bareeyo inkastoo FC Baidoa isku daysay in ay la timaado goolkii bar baraha laakin waa laga diidey oo waxaa loogu dhameeyey 2-1 oo ay dhibcihii ku aruusatey kooxdii u qalantey ee FC Salaamey. kulankaan oo ka tirsan Baidoa Cup oo si caadi aheen oga socda garoonkaa ayaa waxaa la soo cayaarey kulamo badan oo xiiso leh waxaan la cayaari doonaa kulama kale oo aad u xiiso badan, waxaad kala socon doontaa Footbool.net kulan kasta warbixintiisa iyo waliba sawiradiisa.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *