Ka dib qaab ciyaareedkii liitay ee Real Madrid ay ku bilaawdeen xili cayaareedka 2024/25 ee La Liga, Carlo Ancelotti waa inuu dib uga fikiraa shaxdiisa kulankii Real Valladolid, isagoo ku bilaabaya ciyaaryahankii heer caalami ah oo kursiga keydka ku dhegay ee luca Modric.
Todobaadkii hore Real Madrid ayaa ku bilowday si heer sare ah iyadoo kooxda difaacaneysa Champions League ay  qaaday koobkii lixaad ee UEFA Super Cup habeenkii Arbacada. Kaliya afar maalmood ka dib, isla shaxdaas uu ku cayaarey kulanka Atalanta, oo aheyd seddexda khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni, Fede Valverde, iyo Jude Bellingham, ayuu isla shaxdii ku soo galey kulankii Mallorca ee ugu horeeyay ee Los Blancos ay ku difaacaneyso horyaalka La Liga.
Goolka hore ee Rodrygo ayaa ka dhigay ciyaarta ka dhigey 1-0, laakiin Vedat Muriqi ayaa barbareeyay qeybtii labaad ee ciyaarta. Kooxda Carlo Ancelotti ayaa 37-daqiiqo ee u hartay wax guul ah ku heli waayeen bareejadii ka dib sidaas darteedna waxay kusoo laabteen Madrid iyagoo hal dhibic oo kaliya wata.

Waxaa jiray wax badan oo aan laga jeclaanin qaab ciyaareedka Real Madrid habeenkii axada, laakiin khadkooda dhexe oo liita ayaa dhaliyay dhowr su'aalood oo dammaanad ah oo Ancelotti waa in uu sameeyo hal bedel weyn oo shaxdiisa usbuucan.           
Carlo Ancelotti ayaa ku qasban inuu ka fikiro inuu kusoo bilaabo Luka Modric kulanka soo socda ee Real Madrid. Khabiirka reer Croatia ayaa si weyn loogu baahan yahay khadka dhexe, gaar ahaan maqnaanshaha Toni Kroos.
Saddexda ciyaartoy ee kala ah Tchouameni, Valverde iyo Bellingham ayaa ku guuldarraystay inay xakameeyaan ciyaartii ay la ciyaareen Mallorca oo ah koox ku dhamaysatay kaalinta 15-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore, waxaanay abuureen saddex fursadood oo keliya marka la isku daro 90 daqiiqo.

Hubaal, waxay dhammaystireen baasaska badan, oo ay dabooleen dhul muhiim ah, laakiin ilaa goorma? Xiddigahan waxaa ka maqan hal-abuurnimo, waana wax uu si fudud u leh hal abuurnimadaas ciyaartoyga ugu guulaha badan taariikhda Real Madrid ee Modric.
Xitaa da'diis 38, kabtanka Los Blancos wax saameyn ahna kuma yeelan waana in uu ku soo bilaabo kulanka Valladolid. Ilaa iyo inta Eduardo Camavinga uu dhaawac jilibka ah ku maqnaanayo, khadka dhexe ee Real Madrid waa lagama maarmaanka  in luka Modric uu ku jiro garoonka.
Ikon för Verifierad av gruppen
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *