Leon Goretzka ayaa isha ku haya inuu u dagaalamo mustaqbalkiisa Bayern Munich laakiin wuxuu xiiseynayaa inuu ku biiro Liverpool, Barcelona ama Real Madrid haddii uu ugu dambeyntii ka tago kooxdiisa htaatan sida ay warbixinad sheegayaan.
Goretzka ayaa laga haystaa fikrado kala duwan kooxda Bayern dhexdeeda dhowrkii sano ee la soo dhaafay masuuliyiinta qaar ayaa rabey in mar hore iibiyaan halka kuwa kale ay jeclaayeen in ay sii haystaan. Tababaraha cusub Vincent Kompany ayaa doortey inuu ka soo tago oo shaxdiisa ka saaro kulankii DfB Pokal la cayaareen kooxdan SSV Ulm.
Iyadoo mustaqbalkiisa uu haatan shaki weyn ku jiro, Sky Sports Germany ayaa sheegaysa in Goretzka uu qorsheynayo inuu isku dayo oo uu la dagaallamo cadaadiska si uu uga tago kooxda isagoo weli rajeynaya inuu helo koox weyn oo uu fursad ka helo.Tiro ka mid ah saraakiisha Bayern ayaa ka hadlay xaalada. Agaasimaha ciyaaraha Max Eberl ayaa yiri: "Waxaan si furan ula hadalnaa ciyaartoyda, waxaan ku xoojinay khadka dhexe, Joshua Kimmich waxa uu ku soo laabanayaa khadka dhexe, ciyaartoyda waa ay ogyihiin marka ay xaaladdoodu adkaan karto, si cad ayaan ula xiriirnay, arrimaha gudaha ayaa lagu caddeeyay. "

Isla markiiba waxaa xigay agaasimaha ciyaaraha Christoph Freund, oo hadalkiisa sii raaciyay: “Leon waxa uu Bayern ku sugnaa waqti aad iyo aad u dheer, aad buu u guuleystey, waana ciyaaryahan weyn, waan la hadalnay, waxaana u cadeynay inuu jiro Loolan badan. Horraantii xagaagan madaxweynaha Uli Hoeness ayaa si ka wanaagsan uga hadlay cadaadiska saaran Goretzka. Si kastaba ha ahaatee, haddii Goretzka uu baxo, waxaa la sheegay inuu u furan yahay inuu ku biiro Liverpool, Barcelona ama Madrid.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *