Manchester United ayaa sugaysa ilaa maalinta ugu dambaysa ee suuqa kala iibsiga ka hor inta ayna u dhaqaaqin weeraryahanka Brentford Ivan Toney iyada oo rajaynaysa in ay ku qasbaan Brentford in ay hoos u dhigaan qiimaha ay ku dalbanayaan. goolhayaha Valencia Giorgi Mamardashvili ayaa soo dhaweynaya u dhaqaaqista Man Utd xagaagan iyadoo wadahadalada loogu wareegayo Liverpool ay sii socdaa (Sky Sports Germany).

Wakiilada Tony ayaa hadda wadahadalo kula jira kooxda Saudi Arabia ee Al Ahli, kuwaas oo doonaya inay ku bixiyaan 35 milyan ginni xiddiga heerka caalami ee dalka England. (TEAMtalk)

Barcelona Joao Felix ayaa meesha ka saaray in uu ku laaban doono kooxda Barcelona xagaagan maadama uuna doonayn xilli ciyaareed kale oo uu mushahar yar ka qaato Camp Nou. Weeraryahanka Atletico Madrid ayaa haatan wadahadalo kula jira Chelsea. Mustaqbalka Felix wuxuu ku xiran yahay khadka dhexe ee Chelsea Conor Gallagher. Haddii labada kooxood aysan heshiis ka gaari karin, Atletico ayaa diyaar u ah inay raacdo daafaca Valencia Javi Guerra.(Cadena COPE - Spain)

Chelsea waxaa laga yaabaa inuu ka tago Chelsea Carney Chukwuemeka. Crystal Palace ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixiisa. (The Sun)

Arsenal ayaa eegaysa 18 jirka daafaca dhexe ee Palmeiras Vitor Reis laakiin waxa ay filayaan in ay tartan kala kulmaan Real Madrid. (AS - Spain)

Liverpool ayaan wax qorshe ah u haynin in ay u dhaqaaqdo xiddiga garabka uga ciyaara kooxda PSV Eindhoven Johan Bakayoko ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan. (Insider Kubadda Cagta)

Victor Osimhen ayaa diyaar u ah inuu diido xiisaha ay u qabaan labada kooxood ee Arsenal iyo Chelsea oo doonaya inuu ku biiro Paris Saint-Germain. (The Sun)

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa inay iska iibiso Raheem Sterling, Trevoh Chalobah, Armando Broja iyo Ben Chilwell xagaagan. Man Utd ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya daafaca bidix ee Chilwell. (Caughtoffside)

Ilkay Gundogan ayaa Manchester City kala xidhiidhay soo laabasho cajiib ah isaga oo isha ku haya in uu ka tago Barcelona, ​​kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ayaa u furan in ay heshiis ku gaaraan. (Catalunya Radio - Spain)

Aston Villa, Real Betis iyo Roma ayaa dhamaantood xiiseynaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Hotspur Giovani Lo Celso oo lagu qiimeeyo 13 milyan ginni. (Fichajes - Spain)

West Ham United ayaa sida ugu macquulsan ay ku heli laheyd weeraryahanka Roma Tammy Abraham, kaasoo sidoo kale xiiseynaya Saudi Arabia. (Gazzetta dello Sport – Italy)

Newcastle United Dalab soo jiidasho leh" oo ka imaanaya Newcastle United ayaa dhawaan imaan doona weeraryahanka Barcelona Ferran Torres.

Liverpool ayaa u aragta daafaca dhexe ee Crystal Palace Marc Guehi inuu yahay lamaanaha ugu fiican ee Ibrahima Konate, waxaana laga yaabaa inay Newcastle United kula tartanto xiddiga 75 milyan ginni lagu qiimeeyo ee England. (Fichajes - Spain)

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *