aamulaha Chelsea Enzo Maresca ayaa ku adkeystay inuu doonayo inuu Raheem Sterling ku sii hayo Stamford Bridge laakiin wuxuu qiray in kooxda Blues ay hestaan cayaartoy badan taasi oo u horseedi doonto bixitaanka xidigo qaar oo muhiim u ah kooxda 
Maresca, oo Sterling ku tilmaamay mid “ciyaaryahan muhiim u ahaa kooxda xilli ciyaareedkii hore laakin macalinka ayaa qaatay go’aan la yaab leh oo uu xidigaan garabka uga saaray shaxdiisa kulanka furitaanka Premier League ee Axadda ay la ciyaareen kooxda Manchester City.
Jawaabta wakiilada Sterling ayaa si deg deg ah u soo baxday, inkastoo lagu adkeeyay in bayaankooda aan la soo saarin saacad ka hor inta aysan bilaabanin cayaarta waxaana dhab ahaantii la sameyey waxaa jirey warar xan ah in Sterling laga reebi doono ka hor kulanka City. Kaliya markii la arkey Sterling oo ka maqan kooxda ayey s jawaabtii soo baxday sax noqotey.
Maresca ayaa ku sifeeyay in uu yahay go’aan farsamo laakiin markii dambe si toos ah ayaa loo waydiiyay in uu filayo in Sterling uu wali sii joogi doono kooxda dhamaadka suuqa kala iibsiga.
"Ma garanayo," Maresca ayaa qirtay. “Waxa kaliya ee aan odhan karo waxay ahayd go’aan farsamo.“Dhammaan ciyaartoyda, waa ciyaartoy Chelsea ah markaa waxaan isku dayi doonaa inaan isticmaalno laakiin maaha wax ka badan go'aan farsamo, waxaan doonayaa Raheem Sterling laakiin waxaan doonayaa dhammaan 30ka ciyaartoy ee aan haysano, laakiin halkaas meel bannaan uma aha dhammaantood, sidaas darteed qaarkood waa inay baxaan. aamulaha Chelsea Enzo Maresca ayaa ku adkeystay inuu doonayo inuu Raheem Sterling ku sii hayo Stamford Bridge laakiin wuxuu qiray in kooxda Blues ay hestaan cayaartoy badan taasi oo u horseedi doonto bixitaanka xidigo qaar oo muhiim u ah kooxda
Maresca, oo Sterling ku tilmaamay mid “ciyaaryahan muhiim u ahaa kooxda xilli ciyaareedkii hore laakin macalinka ayaa qaatay go’aan la yaab leh oo uu xidigaan garabka uga saaray shaxdiisa kulanka furitaanka Premier League ee Axadda ay la ciyaareen kooxda Manchester City.
Jawaabta wakiilada Sterling ayaa si deg deg ah u soo baxday, inkastoo lagu adkeeyay in bayaankooda aan la soo saarin saacad ka hor inta aysan bilaabanin cayaarta waxaana dhab ahaantii la sameyey waxaa jirey warar xan ah in Sterling laga reebi doono ka hor kulanka City. Kaliya markii la arkey Sterling oo ka maqan kooxda ayey s jawaabtii soo baxday sax noqotey.
Maresca ayaa ku sifeeyay in uu yahay go’aan farsamo laakiin markii dambe si toos ah ayaa loo waydiiyay in uu filayo in Sterling uu wali sii joogi doono kooxda dhamaadka suuqa kala iibsiga.
"Ma garanayo," Maresca ayaa qirtay. “Waxa kaliya ee aan odhan karo waxay ahayd go’aan farsamo.“Dhammaan ciyaartoyda, waa ciyaartoy Chelsea ah markaa waxaan isku dayi doonaa inaan isticmaalno laakiin maaha wax ka badan go'aan farsamo, waxaan doonayaa Raheem Sterling laakiin waxaan doonayaa dhammaan 30ka ciyaartoy ee aan haysano, laakiin halkaas meel bannaan uma aha dhammaantood, sidaas darteed qaarkood waa inay baxaan.Sidoo kale Sterling kaliya ma aheen waxaa laga saaray Ben Chilwell, Carney Chukwuemeka iyo Axel Disasi. arinta Chilwell ayaa ah mid la yaab leh ka dib markii Maresca uu si cad u qirtay in daafaca bidix uu doonayo inuu baxo, laakiin su'aalo ayaa la weydiiyay mustaqbalka Chukwuemeka iyo Disasi. Maresca ayaa qirtay in Disasi uusan taam u ahayn ciyaarta, laakiin Chukwuemeka, wuxuu u soo jeediyay 20-sano jirkaan mustaqbalkiisu inuu yaalo meelo ee aan Stamford Bridge.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *