Chelsea ayaa hadda ku dhowdahay iney Joao Felix ku soo celiso Stamford Bridge ka dib markii ay gaareen heerkii ugu dambeeyay ee heshiiska Atletico Madrid.
Felix ayaa dhaliyay afar gool 20 kulan oo uu u saftay Blues intii lagu guda jiray nus xilli ciyaareed 2023 oo uu amaahda ku joogey Chelsea. Blueska ayaa ah kooxda ugu badan ee soo iibsada xidigaha dhanka weerarka tan iyo haatan ee suuqa kala iibsisga xaagan. Fabrizio Romano ayaa ku waramaya in "wadahadaladu ay heer gabo gabo ah marayaan" Felix si uu u noqdo ciyaaryahan Chelsea markii labaad. "Heshiiska afka ah" ee Atletico ayaa ku dhawaaday in la gaaro, iyadoo kaliya "faahfaahinta ugu dambeysa ee heshiiska ay weli harsan tahay in la xalliyo.
Markan, wuxuu noqon doonaa mid joogto ah, iyadoo The Athletic ay xustay in shuruudaha shakhsi ahaaneed lagu heshiiyey oo qandaraas lix sano ah ilaa 2030 iyada oo ikhtiyaarka ah xilli dheeri ah ilaa xagaaga 2031 wuu saxiixi doono.
Lacag dhan £40m oo lagu daray waxyaabaha ku xiran qaab cayaareedkiisa ayaa la soo sheegay in lagu heshiiyey oo labad kooxood aya wada aqbaleen.

Felix ayaa Atletico kula jira heshiis dhacaya 2029 laakiin si joogta ah uguma ciyaarin kooxdan 19 bilood gudahood ee ugu dambeeysay.
Waxa uu u soo wareegay caasimada Spain 2019 markii Atletico ay ka soo bixisey €126m (£113m) oo lagu burburin karo qandaraaskiisa Benfica. Da’yarka markaas ayaa loo gacan galiyay shaadhka nambarka 7-aad ee kooxda oo uu lahaa Antoine Griezmann uu u wareegayo Barcelona.
Felix qudhiisa ayaa ku dhacdey inuu Barca amaah ahaan ugu soo biiro sannadkii hore, isagoo dhaliyey toban gool iyo lix caawin 44 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan. Waxa uu ku soo bilowday wax ka yar kala bar kulamadii Barca ee La Liga, waxaana uu inta badan ka soo cayaarey garabka bidix.
Christopher Nkunku ayaa booskaas bidix u buuxiyey Chelsea kulankoodii furitaanka Premier League ee ay la ciyaareen Manchester City Axadii, iyadoo Nicolas Jackson uu dhexda weerarka u ciyaarayay.

Felix ayaa qarka u saaran inuu noqdo saxiixii tobnaad ee xagaagan kale ee ay Chelsea sameyso. Pedro Neto ayaa ahaa ciyaaryahankii sagaalaad uguna qaalisanaa ka dib markii £54m kala soo wareegeen kooxda Wolves todobaadkii hore.




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *