Ivan Toney ayaa laga saaray kooxda Brentford kulankoodii ugu horeeyay xilli ciyaareedkan sababo la xidhiidha ‘xiisihii suuqa kala iibsiga’.
Weeraryahanka ayaan qarsan rabitaankiisa ku aadan inuu ka tago kooxdaan suuqan kala iibsiga xagaagan waxaana kaliya hal sano uga haray qandaraaskiisa.
Kooxaha sida Arsenal, Chelsea, Manchester United, Tottenham Hotspur iyo West Ham United ayaa dhamaantood lala xiriiriyay Toney, inkastoo midkoodna uusan wax dalab ah u soo bandhigin Brentford ilaa heerkan iyadoo ay ka harsan tahay wax ka yar labo toddobaad suuqa kala iibsiga. Chelsea, United, Spurs iyo West Ham ayaa dhamaantood la soo wareegay weeraryahano kale xagaagan sidoo kale.
Taa bedelkeeda, kooxda Saudi Pro League ee Al Ahli ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin kuwa ugu cadcad, Toney ayaana u furan inuu lacag badan ugu dhaqaaqo Bariga Dhexe haddii uu helo dalabka saxda ah.

Toney ayaa la filayay inuu ku soo bilowdo kulanka furitaanka horyaalka Premier League ee Brentford oo ay gurigeeda kula ciyaareen Crystal Palace, laakiin laguma soo darin shaxdooda maalinta ciyaarta.
Tababaraha kooxda Thomas Frank ayaa u sharaxay Sky Sports in inkasta oo aan wali la dhamaystirin heshiiska uu u dhaqaaqay Toney sababo la xidhiidha suuqa kala iibsiga.
“Waxyaabo badan ayaa ku socda Ivan, waxaa jira xoogaa xiiso ah oo suuqa kala iibsiga ah,” ayuu yiri Frank. “Sababta darteed, isagu kuma jiro kooxda.
"Ivan waa ciyaaryahan sare oo aan wada ognahay taas, afar sano ayuu noo ahaa ciyaaryahan fantastik ah laakiin waxaan muujinay sanadkii hore inaan la qabsan karno la'aantiisa."

Maqnaanshaha Toney, Brentford waxa uu safka hore ku soo geli doonaa saddexda weerar ee Bryan Mbeumo, Yoane Wissa iyo Kevin Schade.
Kooxdan ayaa 30 milyan oo ginni kula soo wareegtay weeraryahanka reer Brazil Igor Thiago kooxda Club Brugge si ay u noqoto bedelka Toney, laakiin lama filayo inuu ciyaaro ilaa December horaantii ka dib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray xilli ciyaareedkii hore.




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *