Manchester United ayaa u aqoonsatay garabka Barcelona Raphinha bartilmaameed macquul ah iyagoo ka fiirsanaya inay kala tagaan Antony iyo Jadon Sancho, laakiin waxay u baahan yihiin inay ku bixiyaan €60m (£51m) si heshiis loo dhameeyo. (SPORT – Spain)

Liverpool ayaa dalab 40 milyan euro ah oo u dhiganta 34 milyan oo gini ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Ilkay Gundogan kaas oo isla markiiba aqbalay madaxweynaha kooxda Joan Laporta laakiin xiddiga reer Jarmal ayaa diiday dalabkaas. (El Nacional – Spain)

Barcelona Labada xidiga Raphinha iyo Gundogan ayaan wax niyad ah u haynin inay aqbalaan dalabaadka lacagta badan ee ka imanaya Saudi Arabia, inkasta oo Barcelona ay soo dhawaynayso bixitaanka labadoodaba si ay ugu soo iibsadaan lacagtooda cayaartoy kale suuqan kala iibsiga. (Mundo Deportivo – Spain)

Real Madrid Weeraryahankooda Rodrygo ayaan wax xiiso ah u qabin inuu ka tago kooxda si uu ugu biiro Manchester City, inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu u furan yahay u dhaqaaqista. (Cadena SER - Spain)

Goolhayaha Chelsea Djordje Petrovic ayay u badan tahay inuu heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biirayo kooxda ay walaalaha yihiin ee Strasbourg. (L'Equipe - Faransiiska)

Arsenal ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay Eberechi Eze ka iibiso Crystal Palace ka hor maalinta ugu dambaysa iyadoo u adeegsanaysa weeraryahan Eddie Nketiah heshiis isku beddelasho ah. (Express)

Manchester City ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta weeraryahankii hore ee West Ham United Divin Mubama oo beeca xorta ah ugu soo wareegaya. (BBC Sport)

Man Utd Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man Utd Scott McTominay ayaa isha ku haya inuu ku biiro Napoli, waxaana uu mudnaanta koowaad ka dhigay kooxdii ku guuleysatay Serie A. (Alfredo Pedulla - Talyaaniga)

Jonathan Tah ayaa weli qeyb ka ah qorshaha Bayer Leverkusen iyadoo ay xiiseynayaan kooxda ay xafiiltamaan Bundesliga ee Bayern Munich. (Sky Germany)

Newcastle United ayaa laga soo diiday dalabkii afraad ee ay ku doonaysay daafaca dhexe ee Crystal Palace ee Marc Guehi. Magpies waxay soo bandhigtay dalab qiimihiisu gaarayo £65m oo ay ku jiraan lago dheeri oo ku xiran qaab cayaredkisa.(the atlethic)

Chelsea Daafaca dhexe ee Chelsea Trevoh Chalobah waa bartilmaameed ka raqiisan Newcastle, waxaana la dhacsan tababare Eddie Howe. ( talkSPORT)

Tottenham Hotspur waa mid ka mid ah kooxaha Premier League ee xiiseynaya da'yarta Norway Jens Hjerto-Dahl.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *