Enzo Maresca ayaa si cad ugu sheegay kabtan ku xigeenka kooxda Chelsea Ben Chilwell inay fiicnaan lahayd hadii uu isaga tago kooxda ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga. 27-sano jirkaan ayaa cayaarey 21 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu seegay xulashada xulka England ee Euro 2024 ka dib markii uu ku dhibtooday dhaawacyo jilibka ah oo xiriir ah.                               Chilwell ayaa sidoo kale seegay seddex bilood xilli ciyaareedkii hore dhaawac muruqa ah, taasoo la micno ah inuu u ciyaaray kaliya 70 kulan oo Premier League ah Chelsea tan iyo markii uu kaga soo biiray Leicester City Agoosto 2020 £50m.

Waxaa loo magacaabay kabtan ku xigeenka Chelsea xagaagii hore, waxaan u magacaabey macalinkii tagay ee Mauricio Pochettino. Macalinka hada ee chelsea Maresca ayaa ka doorbidaayo inuu daafaca bidix ka cayaarsiiyo Marc Cucurella iyo Levi Colwill.
Maresca oo ka hadlaysay kulanka maalinta furitaanka ee Chelsea ay la ciyaari doonto kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester City, Maresca ayaa tilmaantay in Chilwell aanu mustaqbal ku lahayn kooxda wuxuuna soo jeediyay in ay fiicnaan lahayd in uu ka tago galbeedka London oo uu koox cusub u tago. Chilwell waa nala joogaa laakiin ma uusan tababaran maalmihii ugu dambeeyay sababtoo ah wuu xanuunsanaa,” Maresca ayaa tiri. “Sababta uusan ugala ciyaarin kulankii Inter.
Saaka waxa aan haysanay 22 ciyaaryahan oo tababar qaatey, hadii aad waydiiso dhamaantood waxa ay odhan doonaan waxa ay doonayaan in ay la ciyaaraan City. Laakiin taasi macquul maaha. Markaad maalin walba tababarto oo aadan helin wax daqiiqado ah uma fiicna iyaga iyo aniga toona.
"Waxaan u baahanahay inaan go'aan gaaro, waxaana laga yaabaa inay fiican tahay inaan baxo oo aan tago oo aan helo koox kale oo aan daqiiqado aan ku cayaaro i siiso. Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wuu furan yahay si aan u aragno waxa dhaca.”

“20 maalmood ayaan America joognay 28 ama 29 ciyaartoy ayaan heystay marka aad ayay u fiicnayd in aan maamulo kooxdaas oo kale,” Maresca ayaa ku dartay. “Hadda waxaan haysanaa cayaartooy badan aan ka mid ahayn kooxda oo gooni u tababarta. "Waqtigan xaadirkan waa wax adag haddii aan bilaabo inaan ku fikiro inaan haysto 43 ciyaaryahan oo wada sugaayo in ay cayaaraan ma fiicna."

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *