Ilkay Gundogan ayaa weydiistay inuu ka tago Barcelona xagaagan, warbixin ka soo baxday Spain ayaa sheegtay. 33-sano jirkaan oo beeca xorta ah kaga soo biiray Manchester City 2023, ayaa mustaqbalkiisa ka arkay meel kale oo ka aheyn Barcelon xagaagan xilli ay soo baxayeen warar kooxo xiiseynaya kooxaha Sacuudiga iyo Turkiga.Gundogan ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee cajiib ah laakiin, sida laga soo xigtay wargeyska SPORT, xiisadaha kooxahaan dibada ayaa keenay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu soo gudbiyo codsi suuqa kala iibsiga ah 12 bilood oo kaliya ka dib.
Waxaa la sheegay in Gundogan uu mar horeba rabitaankiisa ah inuu ka tago Barcelona u gudbiyay tababare Hansi Flick iyo agaasimaha ciyaaraha Deco isagoo doonaya inuu baxo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda 30ka Agoosto.
Ma jirto jawaab rasmi ah oo ka soo baxday Barcelona, ​​inkastoo la aaminsan yahay in kooxda La Liga ay u furan tahay inay lacag kaash ah soo gasho oo ay ka saarto mushaharka Gundogan meesha. Waxa xiiso leh in Gundogan laga saaray kooxda Barcelona ee wajaheysa Valencia sabtida furitaanka xilli ciyaareedka.

Barcelona ayaa ku adkaysatay in maqnaanshiyaha Gundogan uu la xidhiidho dhaawac ka dib markii uu khabiirka khadka dhexe ka dhaawacmay madaxa.
Imaanshiyaha Dani Olmo ee RB Leipzig ayaa kor u qaaday fursadaha khadka dhexe ee Barcelona xagaagan, iyadoo da'yarka Marc Casado uu sidoo kale isha ku hayo xilli ciyaareedka ka horeeya Barca ay diyaar u tahay inay kala baxdo Gundogan qiimo sax ah. Kooxaha waaweyn ee Turkiga Galatasaray iyo Fenerbahce ayaa labaduba la rumeysan yahay inay si weyn u doonayaan Gundogan, kaasoo sidoo kale xiiso ka helaya kooxaha bariga dhexe gaar ahaan sacuudi careebiya.
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *