Macalinka kooxda Chelsea Enzo Maresca ayaa xaqiijiyay in Conor Gallagher uu tababarka kaga maqan yahay kooxda kadib markii uu u wareegiddiisa Atletico Madrid uu burburey. Heshiis ku kacaya £33.7m ayaa labada dhinac ay ku heshiiyeen waxayna Gallagher ku marey madrid tijaabo caafimaad. halkaasoo uu muddo ku dhow hal toddobaad sugayay atletico si uu u dhammaystiro heshiiskiisa. Si kastaba ha ahaatee Atletico ayaa ku qasban inay iska iibiso ciyaaryahan ka hor inta aysan xaqiijin saxiixa Gallagher. Kooxda Blues ayaa la filayay in ay soo iibiso weeraryahanka Samu Omorodion, laakin blues ayaa ka baxday heshiis dabayaaqadii isbuucan ka dib markii uu ku dhacey tijaabada caafimaadka waxaana wada hadalo ku saabsanaa inuu u dhaqaaqi doono ciyaaryahankii hore ee amaahda ka soo ciyaaray Joao Felix aysan sidoo kale wax horumar ah sameyn.

Warbaahinta Telegraf ayaa soo qortey maanta in Chelsea iyo Atletico ayaa goor dhow wada hadal qaban doonaviyagoo doonaya inay soo afjaraan heshiisankan. Macalinka kooxda Atletico Diego Simeone ayaa si gaar ah ugu cadeeyay Gallagher inuu wali doonayo in heshiiska lasoo afjarayo lakiin kooxda spain ay ku qasban inay marka hore iska iibiso laacib. Dalabyada Samu ayaa wali laga yaabaa in la tixgeliyo halka kooxda La Liga ah ay rajeynayo inay Chelsea ku qanciyaan inay dib ula soo saxiixdaad Felix. Warar kale ayaa sheegaya in ay Felix lagu qiimeyey in ku dhow €60m (£51.1m) laakiin Chelsea way ka caga jiidaneysaa inay bixiso lacagtaa waxaana la rumeysan yahay inay diryaar la yihiin ilaa €40m (£34.1m) Sida laga soo xigtay Ben Jacobs, Atletico ayaa u qoondeysay waqti kama dambeys ah arbacada, 21-ka bishan Agoosto si loo soo afjaro kala iibsiga Gallagher. Iyadoo Gallagher uu ku xayiranyahay hotel ayey Chelsea ku amartay laacibka qadka dhexe inuu ku laabto garoomada tababarka Cobham, lakiin uusan tababar la qaadan doonin kooxda koowaad ilaa laga xaliyo arinta mustaqbalkiisa.

“Conor waa soo laabtay laakin xooga arintiisa jahweerka ku jirta saameystay,” ayay maresca xaqiijisay. “Waxa uu sameeyaa tijaabooyin caafimaad iyo tababaro yar. Waxa uu ka qayb qaadan doono ciyaarta Manchester City.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *