Napoli ayaa wadahadalo kula jirta Manchester United ku aadan saxiixa macquulka ah ee Scott McTominay laakiin waxay door bidaysaa amaah halkii ay si joogto ah ula wareegi lahayd, sida lagu sheegay warbixinta.
Si kastaba ha ahaatee, Everton ayaa isaga hartey doonistii xidigaan sabab la xariirta lacagtiisa oo badan taasi oo ku dhaw 30 milyan oo gini, waxaana sidoo kale la filayaa in qiimahaas aanu gaadhin Napoli. The Times ayaa daaha ka qaaday in kooxda heysata horyaalka Serie A ee 2022/23, oo uu haatan maamulo Antonio Conte, ay doonayaan inay 27 jirkaan ku qaatan deen 12-ka bilood ee soo socda.

Conte ayaa Napoli ku biiray horaantii xagaagan laakiin waxa uu durba daaha ka qaaday sida uu uga xun yahay suuqa kala iibsiga xagaaga oo gaabis ah ilaa haatan, wuxuuna yidhi: “Waxaan xooga saaray kooxda si buuxda u dhameystiran in aan helo, waan ogaa xaalada suuqana waxaad leedahay xad marka loo eego qiimaha ciyaaryahanka ama mushaharka.

“Ciyaartoy badan halkan ma yimaadaan sababtoo ah kuma dheelno koobabka Europe, waxaan u doonayaa Napoli waxa ugu wanagsan iyo inaan isku dayo inaan xoojiyo kooxda sababtoo ah waxaan u baahanahay, markaas ma garanayo waxa dhici doona, maanta. waxay ahayd qiyaas wanaagsan oo xaqiiqo ah."
Fulham ayaa ugu dambeyntii ka laabatay heshiiska McTominay ka dib markii laga soo diiday dalab 20 milyan ginni ah, laakiin macalinka United Erik ten Hag ayaa horay u sheegay inuu doonayo inuu sii haysto khadka dhexe.
Waxa uu yiri intii lagu jiray isku diyaarinta xilli ciyaareedka: "Marka aad dhaliso toban gool xilli ciyaareed oo aad si fiican ugu cayaarto xulkaaga Scotland, markaas waxaa jiri doona xiiso, laakiin waxaan dooneynaa inaan sii haysano isaga sababtoo ah waa ciyaaryahan aad muhiim ugu ah kooxdeena."
McTominay ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka ugu horeeya ee Premier League ee xilli ciyaareedkan marka ay soo dhaweynayaan Fulham habeenka Jimcaha.Ikon för Verifierad av gruppen

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *