Manchester United iyo Chelsea ayaa weli xiiseynaya Ivan Toney laakiin waxay ka caga jiidayaan inay bixiyaan qiimahaa ay kooxda Brentford ku rabaan oo ah 60 milyan ginni. Labada koox ayaa laga yaabaa inay isku dayaan inay sameeyaan dalabyo amaah ah oo ay ku jiraan qodobbo iibsi oo qasab ah. (Madax banaan)

Chelsea iyo sidoo kale PSG ayaa weli xiiseynaya Victor Osimhen, laakiin Arsenal hadda kuma jiraan tartanka loogu jiro weeraryahanka Napoli, sida ay sheegayaan wararka Talyaaniga ka imaanaya. (Fabrizio Romano)

Real Madrid ayaa iska diidi doonta dalabyada uga imaanaya Saudi Pro League ee Vinicius Junior, xitaa haddii ay helaan dalab rikoor ah. (AS - Spain)
Dhanka soo iibsashada, Real Madrid ma rabto inay qarash gareyso wax ka badan €35m (£30m) si ay ula soo wareegto Alphonso Davies xagaagan. Qandaraaska daafaca bidix ee Allianz Arena wuxuu dhacayaa 2025. (El Debate - Spain).

Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso Crystal Palace Eberechi Eze, iyadoo Pep Guardiola uu qorsheynayo inuu wax ka bedelo taatikada xilli ciyaareedka soo socda. (TEAMtalk)

Tottenham Hotspur ayaa ka fiirineysa suurtogalnimada ay kula soo wareegi karto Kingsley Coman, kaasoo la filayo inuu ka tago Bayern ka hor inta uusan xirmin suuqa. (Steve Kay)

Barcelona ayaa u aqoonsatay Luis Diaz badalkooda ugu sareeya ee Nico Williams hadii uu go'aansado inuusan ka tagin Athletic Club. Liverpool ayaa kaliya diyaar u ah inay iibiso Diaz hadii ay hesho lacag dhan 60 milyan oo euro (£51.4m), inkasta oo Barca ay u soo bandhigi karto Frenkie de Jong. (El Nacional – Spain)

Ivan Perisic ayaa si lama filaan ah ula soo baxay Barcelona. Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa lagu wadaa inuu ka tago Hajduk Split ka dib markii ay isku dhaceen tababaraha cusub Gennaro Gattuso. (24 sata – Croatia)

Everton ayaa dalab 23.9 milyan ginni ah oo ay ku furtay weeraryahanka Barcelona Vitor Roque laga soo diiday. Roque ayaa kaliya ku biiray Barca bishii Janaayo laakiin waa la iibin karaa ka hor dhamaadka suuqa xagaaga. (Sky Germany)

Aston Villa ayaa ah kooxdii ugu danbeysay ee Premier League ee ka fikireysa inay u dhaqaaqaan Trevoh Chalobah, kaasoo loo ogolaan doono inuu kaga tago Chelsea 20 milyan ginni. (Insider Kubadda Cagta)

Newcastle United ayaa u sheegay gudoomiyaha Crystal Palace Steve Parish in ay bixiyaan ‘ superstar money’ hadii ay dhab ahaantii doonayaan saxiixa xiddiga Euro 2024 ee Marc Guehi. (Sky Sports)

West Ham United ayaa u furan inay u ogolaato Danny Ings iyo Kurt Zouma inay ku baxaan beeca xorta ah iyagoo isku dayaya inay mushaharkooda u baaqdo.( talkSPORT)

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *