Wakiilka Manuel Ugarte iyo Joao Felix ayaa sii wada in uu wadahadalo la yeesho labada kooxood ee Manchester United iyo Chelsea isaga oo doonaya in uu ku iibiyo ka hor dhamaadka suuqa xagaaga, warbixin ayaa daaha ka qaaday.
Wakiilka Jorge Mendes ayaa yimid England todobaadkii hore si uu u dhamaystiro heshiiska ay Chelsea kula soo saxiixanayso xiddiga garabka ka ciyaara ee Pedro Neto oo ka tirsan Wolverhampton Wanderers laakiin wali howlo ganacsi oo kale ayuu ka hayaa xidigaha kale ee Ugarte iyo Felix. Fabrizio Romano waxa uu xusay in Mendes uu weli joogo England, iyadoo mustaqbalka Ugarte iyo Felix ay weli ka fog yihiin in dhaqso la dhameeyo.
Dhanka Ugarte, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa waxaa dooneysa United, waxaana durba la soo gabagabeeyay heshiis ku saabsan shuruudaha gaarka ah, laakiin Paris Saint-Germain ayaa sii raadin doonta inay lacag qaali ah ku hesho 23 jirkaan.
PSG ayaa raadineysa inay dib u hesho €60m (£51.2m) oo ay ku soo iibsatey Ugarte xagaagii hore, laakiin United weli ma muujin inay diyaar u tahay inay ku dhowaato lacagtaas. Dalab afka ah oo gaaraya €35m (£29.9m) ayaa isla markiiba la diiday horaantii xagaagan.
Dhinaca kale, Mendes ayaa weli wadahadalo kula jira Chelsea oo ku saabsan Felix, kaasoo u soo baxay bartilmaameedka Blues, horaantii isbuucaan ayuu bur burey heshiiskii soo xero gelinta weeraryahanka Atletico Madrid Samu Omorodion.
Atletico waxay u baahan tahay inay iibiso ciyaaryahan ka hor inta aysan u dhaqaaqin Conor Gallagher oo ka tirsan Chelsea, waxayna qorsheynayeen inuu noqdo Samu, laakiin hadda waxay fursad ka heli karaan Felix, kaasoo qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2022/23 amaah ku qaatay. Stamford Bridge.
Wararka ayaa sheegaya in Atletico ay ku rabto lacag dhan 60 milyan oo euro si uu u  baxo Felix laakiin sida United, Chelsea ayaa ka cago jiidaysa in ay meel sare gaadho. Heshiiskooda Samu, oo ay aad ugu adagtahay in dib loo soo nooleeyo, wuxuu ahaa kaliya €42m (£35.9m).

Mendes ayaa ka shaqaynaya sidii uu labada kooxood ee United iyo Chelsea uga caawin lahaa in ay heshiisyo ka gaadhaan bartilmaameedyadooda, inkasta oo ay wali jiraan wada xaajoodyo badan oo la samaynayo, mana jirto wax dammaanad qaad ah oo ah in heshiis lala gaadhi karo Ugarte iyo Felix midkood.Ikon för Verifierad av gruppen
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *