Kulan ka tirsan kulamadii koobkii baydhabo cup oo dhawaan ka furmey magaalada Baydhabo ee gobolka baay ayaa maanta wuxuu dhex marey laba kooxood ee kala ah Daarusalaam iyo Baysom. kulankaan oo sidii caadiga aheyd ku bilowdey jawi qurux badan oo labada kooxoodba ay mid wali cayaareysay kubad weerar iyo weerar celis ku dhisan ayaa fursadii soo marey cayaarta ka faaideystay kooxda Daarusalaam oo hogaanka cayaarta la wareegay ayagoo ku hormartey gool ilaa sadex gaaraya qeybtii hore ee cayaarta . 3-0 ayaana lagu kala nastey qeybtii hore ee cayaarta laakin markii la aadey nashada ayaa waxaa kooxda Baysom ay heshay waqti ay ku soo saxaan wixii ka qaldamey oo waxey ku soo laabteen garoonka ayagoo raba in ay ka soo kabsadaan goolalka 3da ahaa ee lagu lahaa. Dadaal dheer ka dib ayaa waxaa u suuro gashey in ay keenaan goolashii lagu lahaa oo cayaartana ka dhigaan mid bar baro ah oo 3-3 gool ah, waxey aheyd soo laabasho cajiib ah waana wax aad u adag koox 3 gool lagu hogaaminaayey in dib ka soo keento waana cayaar xiiso badan laheyd in la daawado. dad weyne aad u badna ayaa soo buux dhaafshey garoonka ayagoo aad ula dhacey cayaarta iyo xamaasada ay garoobka ka abuurmey. cayaarta ka dib ayaa koox waliba qanacaas garoonka oga badey in kastoo kooxdii Daarusalaam ay jooga ka xumaayeen natiijadii galabta ay la kulmeen laakinse hadan lagama badadin oo waxey la hoydeen 1 dhibic.

kala soco Webkan Footbool.net koobkaan kulankasta faah faahintiisa halkaan anagoo soo koobeyna iyo wixii warbino dheeri ah ee la xariira kulamadan ee ka socda garoonka weyn ee ku yaala caasimada km koonfur galbeen.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *