Daafaca midig ee Manchester United Aaron Wan-Bissaka ayaa u muuqda inuu u wareegayo West Ham, waxaana uu diyaar u yahay inuu u safro London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro halkaas. Manchester United ayaa hadda la filayaa inay sii wadato heshiiska ay kula soo wareegayso daafaca Bayern Munich Noussair Mazraoui. Wan-Bissaka oo galay sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa United.
Manchester United ayaa la filayaa inay lacag dhan 15 milyan ginni ku hesho daafacii hore ee Crystal Palace. Wan-Bissaka ayaa 190 kulan u saftay Manchester United shan xilli ciyaareed oo dhan, isagoo kula guuleystay Carabao Cup iyo FA Cup, tan iyo markii uu u soo wareegay Old Trafford 2019.
Tababaraha kooxda West Ham Julen Lopetegui ayaa hogaaminayay kooxda Wolves markii ay isku dayeen in ay la soo saxiixdaan Wan-Bissaka xagaagii hore.                 Manchester United ayaa hadda la filayaa inay sii wadato heshiiska ay kula soo wareegayso kooxda Bayern Munich Noussair Mazraoui. West Ham ayaa heshiis 16.5 milyan ginni ah lafteeda isku dayday iney kula soo wareegtay Mazraoui bishii hore, laakiin tallaabadaas ayaa burburtay. Manchester United ayaa horey heshiis shaqsi ah ula gashey  Mazraou lagu heshiiyey. inkastoo heshiiska labada kooxod ay dhiman tahey wada hadaladooda waqti badan eyey qaadatey wxuu socon doonaa ilaa suuqa ka xirmo is jiid jiidka laba naadi ayaa gaari doono ilaa dhamaadka suuqan.
Suuqa kala iibsiga xagaaga 2024 wuxuu si rasmi ah u xidhmayaa Agoosto 30 markay tahay 11pm wakhtiga UK ee Premier League iyo 11:30pm Scotland.
Horyaalka Premier League ayaa laga dhimey hal maalinta si loola mid noqdo horyaalada kale ee Yurub. Xiritaanka hal tariikh ayaa la sameeyey ka dib markii ay wada hadleen horyaalada England, Germany, Italy, Spain iyo France.
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *