Tottenham Hotspur ayaa soo gabagabeysay heshiiska ay Bournemouth kala soo wareegeyso weeraryahan Dominic Solanke, warbixin ayaa daaha ka qaaday.
Heshiis ayaa dhexmaray labada kooxood horaantii isbuucaan, waxaana horey loo dhameeyey heshiiska shaqsiga ah, laakiin waxaa wali harsan xoogaa shaqo ah ka hor inta aysan labada kooxood isku diyaarin inay si buuxda u saxiixdaan heshiiska.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, gacan qaadkii ugu dambeeyay ayaa yimid, Bournemouth ayaana siisay Solanke fasax uu ugu safro si uu tijaabada caafimaadka u maro. Heshiiska ayaa ku kacaya 65 milyan ginni oo ay ku jiraan add-ons, taasoo Solanke ka dhigi doonta saxiixii ugu qaalisanaa taariikhda Tottenham, isagoo meesha ka saaraya heshiiskii 63 milyan ginni ee ciyaaryahanka khadka dhexe Tanguy Ndombele, kaasoo dhawaan kooxda uga tagay beeca xorta ah. Heshiisku wuxuu sidoo kale noqon doonaa iibka rikoorka ah ee naadiga ee Bournemouth.
Solanke ayaa ogolaaday heshiis lix sano ah in uu u saxiixo kooxda Spurs kaas oo la dhamaystiri doono marka tijaabada caafimaadka maro.

Tababaraha Spurs Ange Postecoglou ayaan ka niyad jabin rabitaankiisa ah inuu helo weeraryahan cusub oo kor u qaada kooxdiisa, waxaana cad in uu ku guuleystay Solanke, kaasoo dhaliyay 19 gool 38 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore.
Haddii uu uu dhamaado qorshehaan, Solanke ayaa noqon doona saxiixii afaraad ee xagaaga Spurs sameyso, waxey horay ula soo wareegeen Lucas Bergvall, Archie Gray iyo Yang Min-hyeok garoonka Tottenham Hotspur Stadium.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *