Warar ka soo baxey kooxda Los Angeles ee dalka mareykan ayaa lagu sheegay inay wadahadalo ay kula jiraan xiddiga Atletico Madrid iyo xulka France Antoine Griezmann, sida laga soo xigtay wargeyska GiveMeSports. Sida warbixinta lagu sheegay ilo-wareedyadu ku dhow kooxda ayaa bixiyey warkaan ku saabsan in kooxda ay wadahalo kula jirto xidiga iyo kooxdiisa haatan wuxuuna ka mid noqon doonaa Seddexda weeraryahan ee Denis Bouanga iyo Olivier Giroud oo dhawaan la soo saxiixday ayaa muran la'aan noqon doona kan ugu fiican dhammaan MLS. Giroud ayaa xitaa aad u raba in sxbkiisa ay xulka qaranka franse ka dheelan ee Griezmann in u dhaqaaqo Major League Soccer isaga oo sheegay in xiddiga Atletico Madrid uu isna diyaar u yahey.
LAFC waxay u badan tahay inay wax ka bedel ku sameyso seddexdeeda boos ee weerarka ah oo ay ku ciyaaryahanada ee ay hadda soo iibsadeen Giroud, Bouanga iyo Eduard Atuesta inkastoo Eduard atuesta waxay u badan tahay in qandaraaskiisa la baabiyo oo la iibiyo si uu boos loogu helo Griezmann, haddii wadahadaladu ay noqoto mid miro dhal ah.
LAFC waxa ay ka shaqaynaysaa ilaa uu suuqa kala iibsiga xagaaga ee MLS xidhmo oo ah 14ka bishaan agooosto waxeyna haystaan fursad ay xidigaan ku keenaan MLS.
Atletico Madrid ayaa wali ku xisaabtameysa Griezmann inkastoo kooxda ayaa hore ula soo saxiixatay weerar yahanka reer Norway ee Alexander Sørloth, waxayna haatan maraysaa heer gabo gabo ah oo ay ku iibsananeyso xiddiga Manchester City ee Julian Alvarez. Haddii midda dambe ay dhacdo, u dhaqaaqista Griezmann ee MLS ayaa si dhakhso ah u hirgeli karta.
Xidigaan 33-sano jir ah, Griezmann ayaa kusoo baxaya xilli ciyaareed adag isagoo Atletico u dhaliyay 24 gool sidoo kalana caawiye ka ahaa sideed gool tartamada oo dhan inkastoo cayaarihii xagaagan uu soo idlaaday niyad jab Giroud iyo Griezmann labadaba iyadoo France ay ku hartay semi-finalka Euro 2024 oo ay ugu dambeyntii ku guuleysatay Spain.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *