Victor Osimhen ayaan xiiso u qabin u dhaqaaqista kooxda chelsea waxana uu diirada saarayaa ku biirista kooxda Paris Saint-Germain oo aan awoodin in ay dalab ka gudbiso weeraryahanka Napoli ilaa ay iska iibiyaan Randal Kolo Muani ama Goncalo Ramos midkood. (Corriere dello Sport – Italy)

Manchester United iyo Arsenal ayaa labaduba xiiseenaya in ay heshiis qiimo dhimis ah kula soo wareegaan xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus ee Federico Chiesa kaas oo lagu xayiray Turin ka hor inta uuna xagaagan ka dhaqaaqin. (TEAMtalk)
Sidoo kale raadaarka Man Utd waxaa ku jira daafaca dhexe ee Real Madrid Joan Martinez. 16 jirkaan ayaa lagu qiimeeyay si cajiib ah waxaana uu haatan helay dalab rasmi ah si uu ugu dhaqaaqo Old Trafford. (El Nacional - Spain)

Chelsea ayaa sidoo kale muujisay xiisaha ay u qabto Martinez laakiin waxa ay aqoonsan tahay in Real Madrid lagu qanciyo in ay iibiso ay tahay wax aad u adag. (Fichajes - Spain)

Crystal Palace
Daafaca dhexe ee Joachim Andersen ayaa diirada u saaran kooxaha Liverpool, Newcastle United iyo Tottenham Hotspur. (Caughtoffside)

Barcelona tababarahooda Hansi Flick ayaa diiday fursad uu isku dayi lahaa inuu la soo saxiixdo khadka dhexe ee Al Ittihad N'Golo Kante xagaagan isagoo door biday inuu waqti siiyo ciyaartoyda da'da yar sida Marc Casado iyo Marc Bernal. (Mundo Deportivo – Spain)

Tottenham ayaa la kullantay weerar yahanka kooxda Bournemouth ee Dominic Solanke kaas oo wali diirada u saaran labada kooxood ee Arsenal iyo Liverpool. (Caughtoffside)

Adrien Rabiot
ayaa dalabyo ka helay kooxaha Arsenal,Liverpool iyo Real Madrid isaga oo ka fiirsanaya kooxda uu u dhaqaaqi doono kadib markii uu ka tagay Juventus. (Gazzetta dello Sport – Italy)

Liverpool Daafacii hore ee kooxda Joel Matip ayaa si xor ah u doonaya kooxda Bayer Leverkusen. (Sky Sports Germany)

AC Milan ayaa dalab 13 milyan ginni ah ka gudbisay daafaca midig ee Tottenham Emerson Royal. (Fabrizio Romano)

Fiorentina
ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha Chelsea ee Kepa Arrizabalaga, kaasoo sii sugaya fursad uu ugu soo laabto Real Madrid. (Defensa Central - Spain)

Everton ayaa hogaanka u haysa Aston Villa tartanka loogu jiro saxiixa khadka dhexe ee Man City ee Kalvin Phillips. (Insider Kubadda Cagta)

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *