Tababaraha kooxda Juventus ee Thiago Motta ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay isku dayayso in ay xagaagan iska iibiso xidiga garabka ah reer Italy ee Federico Chiesa.
Xiddiga Euro 2020 ayaa laga saaray kooxda Bianconeri habeenkii sabtida ciyaar saaxiibtinimo oo ay la cayaaren Brest, halkaas oo ay goolasha u kala dhaliyeen Dusan Vlahovic iyo Gleison Bremer 2-2 bareejo ku soo dhamaatey. Chiesa ayaa hadda u muuqata mid baxaayo maadaama uu cadeeyey tababaraha cusub ee Motta, kaasoo bedelay Massimiliano Allegri ka dib markii Juve ay ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee Seria A, ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ayaa qirtay iney ka soo tageen Chiesa sabtidii iyagoo doonaya inay iibiyaan.

Waxa uu yiri: “Chiesa waxa uu u maqan yahay sababo la xiriira suuqa kala iibsiga, si la mid ah kuwa kale ee laga tagay, marka laga reebo Fabio Miretti oo dhaawacmay.

"Aad ayaan ugu cadeynay iyaga, waa kuwo karti leh, laakiin waa inay raadiyaan kooxo kale oo ay ku heli doonaan waqti badan oo ay ku ciyaaraan. Chiesa iyo kuwa kale, go'aanka waa la gaaray." Weston McKennie, Wojciech Szczesny, Arkadiusz Milik, Arthur Melo, Mattia De Sciglio, Daniele Rugani, Filip Kostic iyo Hans Nicolussi-Caviglia ayaa sidoo kale laga soo tagay dhamaantood waxaana loo maleynayaa inay iibin doonaan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga.

Juve ayaa dooneysay inay heshiis cusub la gaarto Chiesa dhamaadkii sanadkii hore, laakiin wax heshiis ah lama gaarin, taasoo la micno ah inuu ka tagi doono isagoo xor ah sanadka soo socda hadii koox aysan soo wacin bisha soo socota. Waxaa lala xiriiriyay kooxo badan oo Premier League ah, oo ay ku jiraan Arsenal, Chelsea iyo Tottenham Hotspur, halka kooxaha Talyaaniga ee Roma iyo Napoli sidoo kale loo soo jeediyay inay yihiin kooxaha kale ee uu aadi doono.

Chiesa waxa uu ku riyaaqay xili cayaareed cajiib ah oo Euro 2020, isagoo door weyn ka ciyaaray guushii Italy ee Wembley, in kasta oo dhaawac halis ah oo seedaha hore ka soo gaadhay dhawr bilood ka dib uu caqabad ku noqday horumarkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, 26 jirkaan ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu fiicnaa ee gooldhalinta Serie A intii lagu jiray 2023/24, isagoo diiwaan dhaliyey sagaal gool 33 kulan oo uu saftay.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *