Sancho ayaa tan iyo markii uu ku laabtay kooxdiisa hore, isagoo ka soo muuqanaya cayaaraha is diyaarinta xili ciyaareedka cusub ee United booqasho ku joogo dalka Mareykanka. Kulankiisii ugu dambeeyay wuxuu cayaarey Axaddii oo ay kooxdiisu 3-0 ooga adkaatey kooxda Liverpool, taasoo xidiga heerka caalami ee xulka england uu ka ciyaarey kaalin weyn oo xagga weerarka.

Hada wuxuu dib u eegay dib usoo laabashadiisa aadka loo sugayay inuu ku soo laabto kooxda, isagoo sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu dib ugu cayaaro kooxda.

“Xaqiiqdii, 100 boqolkiiba haa ” ayuu u sheegay MUTV. ” Waxay ahayd wax fiican, dib ula soo noqoshadeydi way ficnaayeen. Inkastoo ay United wali ku fikireyso ah inay xagaagan iska iibineyso Sancho xagaagan, Ten Hag ayaa sidoo kale dooran kara in uu sii heysto laacibkaaan. 24-jirkaan ayaa kaalin sare ka ciyaari doono maqnaanshaha laacibiin badan oo ka dhaawacan United. “Sida cad marka aan fasaxa helo, caadi ahaan waxaan imid Mareykanka. Tani dhab ahaantii waa mid ka mid ah meelaha aan u tababaro ka hor xilli ciyaareedka sidaa daraadeed way fiican tahay in aan ku soo laabto halkan.” Inkastoo ay weerar la aan ahaayeen oo fursado abuuren wax u dhaliyo ay waayen ayuu yiri hoglund la aantiisa waa dib “dabcan, Joshua Zirkzee, wuu imaanayaa, waxa uu bilaabay tababarka,, sidaa darteed waxaa uu qaadan doonaa waqti, waxaana qasab ah in uu la qabsado kubada cagta Ingiriiska iyo qaab ciyaareedkeena sidoo kale.

United ayaa bilaabaysa horyaalka 2024/25 ee Premier League oo ay la ciyaari doonaan kooxda Fulham Jimcaha 16ka August laakiin waxa ay marka hore la kulmi doontaa kooxda manchester City ee fa Community Shield.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *