Arsenal ayaa ku soo biiray kooxaha Paris Saint-Germain iyo Atletico Madrid tartanka loogu jiro inay ka soo wareegan laacibka Manchester City Julian Alvarez balse waxaa laga yaabaa in ay u baahato inay iib dheeraad ah sameyso si ay lacagta qiimahiisa ay uga hesho, iyadoo kooxda city ay dalbaneyso £80m (Mirror).

Manchester United iyo Chelsea ayaa labaduba baadi goob ugu jiro xidiga16-jirka ah ee daafaca kooxda Real Madrid Joan Martinez, lakiin kooxda Los Blancos ayaa degen madaama ay aaminsan tahey in xidiga daʼda yar ee uusan doonayn inuu ka tago kooxda. (Diario AS)

RB Leipzig ayaa isku diyaarineysa iney fasaxdo xidigooda qadka dhexe ee Dani Olmo, waloow ay wali jiraan arimo yar yar oo la xiriira wada xaajoodyo ay kula jirto kooxda reer Germany oo €60 m kula dooneyso Barcelona si ay ugu guuleystaan saxiixiisa. (Marca)

Chelsea Laacibka qadka dhexe ee Conor Gallagher ayaa wadahadalo wanaagsan la yeeshay Atletico Madrid maadaama uu € 40m ugu dhaqaaqayo xulka kooxda reer Spain Atletico, wadada hadalada oo howli ku socdo ayaa la rajeynaa in uu dhaqso soo gabagabowdo. (Fabrizio Romano)

Man Utd ayaa waqti u qabatey oo uu tijaabaa caafimaadka ku mari doono laacibka midig ee Noussair Mazraoui iyo Red Devils oo rajeyneysa in xidigaa uu ka qeyb qaato cayaarta community sheild oo ay la yeelan doonka kooxda city isbuuca soo socda . Imaanshaha Mazraoui ayaa laga yaabaa in Aaron Wan-Bissaka uu isaga tago Old Trafford. Daafacii hore ee kooxda Crystal Palace ayaa lala xiriirinayey kooxda West Ham United balse haatan waxaa sidoo kale bartilmaameed ka dhigaya horyaalka Serie A ee Inter (Football Insider)

Tottenham Kooxda Bournemouth ayaa ku adkeysatay in aysan ku iibin doonin weeraryahanka Dominic Solanke wax ka yar £65m oo laguu fasaxi doono bes. (Mirror)

Liverpool ayaa diyaar iney kula tartanto kooxda Newcastle United daafaca kooxda Palace ee Marc Guehi iyagooo sidoo kalena doonaya daafaca bidix ee Julio Soler oo ah bedel fog ee Andy Robertson. (Sun)

Atletico ayaa diyaar u ah inay real Madrid kula dagaalanto xidiga heerka caalami ee dalka Spain Aymeric Laporte, kaasoo doonaya inuu ka baxo qandaraaska uu kula jirto kooxda Sacuudiga Pro League ee Al Nassr kadibna uu ku laabto Yurub. (El Chriniguito)

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *