Arsenal ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa 28 jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Sociedad Mikel Merino kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa daafaca dhexe ee Bologna Riccardo Calafiori.
Kooxda Arsenal ayaa ku guda jirta dhamaystirka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad ee Mikel Merino kaas oo ay ku soo afjari doonto 25 milyan oo gini kadib markii ay wada hadalo koox ilaa koox ahi soo galeen heerar muhiim ah.

28-sano jirkaan heerka caalami ee dalka Spain kasoo caawiyay inay La Roja ku guuleysato koobkii Euro 2024 ee Germany horaantii xagaagan, ayaa u muuqda inuu noqon doono ciyaaryahankii labaad ee heer sare ah oo Arsenal ay soo qaadato ka dib markii uu 42 milyan ginni ku yimid daafaca Bologna Riccardo Calafiori.

Gunners ayaa haatan soo gudbisay soo jeedin afka ah oo qiimihiisu yahay 25 milyan ginni oo lagu daray gunooyin ay ku iibinayaan Maestro Merino kaasoo hadda galay sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa ka dib markii uu gogol xaar u dhigay heshiiska shaqsi ah oo uu la yeeshay. wakiilada ciyaaryahanka dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Real Sociedad ayaa haatan diyaar u ah inay ganaax ku rido laacibkaan ka dib markii Merino uu diiday fursad uu heshiis cusub ugu saxiixi lahaa kooxda La Liga, ilo wareedyo ayaa soo jeedinaya in dalabka Arsenal loo arko mid la aqbali karo - xitaa haddii aan qiimaha heshiiska aan weli la isla afgaran.
Qodobada shaqsiga ah ayaa waxaa horay ugu heshiiyay Gunners iyo Merino, kaasoo sidoo kale xiiso ka helay kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona.
Haddii wax walba ay u socdaan sida la qorsheeyey, Arsenal waxay diyaar u tahay inay dukumiintiyada isweydaarsadaan kooxda Isbaanishka dhamaadka usbuuca marka ay ku heshiiyaan qaab bixinta lacag oo ay soo gabagabeeyaan waxyaabaha lagu daret heshiis.Ikon för Verifierad av gruppen
Wixi warar ah ee ku saabskan  kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *