Bayern Munich ayaa diiday laba dalabka ee ay Manchester United ku doonaysay daafacyada Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui, sida ay sheegayaan warar badan.
Red Devils ayaa weli suuqa ugu jirta sidii ay u xoojin lahaayeen daafacyada, waxaana ay muddo dheer labada Bayern u aqoonsadeen inay xal u yihiin dhibaatooyinkooda hadda. Shuruudaha shaqsiga ah ayaa horay looga la heshiiyey daafaca dhexe ee De Ligt iyo daafaca midig ee Mazraoui. Iyadoo labada ciyaaryahan uu matalo hal wakiil, Rafaela Pimenta, United ayaa dalab wadajir ah ka gudbisay Bayern maalmihii ugu dambeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, warar kala duwan ayaa sheegaya in Bayern ay dib uga laabatay inkastoo labada kooxood ay weli ku jiraan wadahadalo ku saabsan heshiiska labadaan laacib. United ayaa soo gashay suuqa iyadoo rajeyneysa inay soo qaadato labo daafac dhexe, ka dib saxiixeeda cusub Leny Yoro ayaa la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono seddex bilood ka dib dhaawac cagta ah, ujeedadaas waa la sii xoojiyay. Dhanka kale imaatinka Mazraoui wuxuu sidoo kale ku xiran yahay inay iska iibin karaan Aaron Wan-Bissaka, kaasoo wada hadalo ku aadan u dhaqaaqista West Ham United.
In kasta oo United la filayo inay soo gudbiso dalabyo kale haddii ay mar kale wada hadlaan. Bayern ayaa laba daafac ku dartay safkeeda durba xagaagan kuwaas oo kala Eric Dier ayaa si joogta ah ugu biiray ka dib markii uu amaah ku guulaystay Tottenham Hotspur, halka Stuttgart's Hiroki Ito uu u wareegay Bavaria bishii June. Sidoo kale waxa ay la soo saxiixdeen Michael Olise ku garaaceen kooxo badan oo Ingiriis ah oo ay ku jirto United.

Daily Telegraph ayaa qortay in Pimenta oo ah wakiilka cayaartoydaan uu la yaabey go'aanka Bayern gaartey ee ku aadan dalabka United in uu yahay mid la aqbali karo, waxayna baarayaan in kooxda Bundesliga ka dhisan ay si cadaalad darro ah u bedeshay mowqifkooda - kooxdu waxay u ballan qaaday De Ligt iyo Mazroaui in ay fasixi doonto hadey ku helaan dalabyo ku habboon.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/





                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *