Newcastle ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato daafaca dhexe ee Crystal Palace Marc Guehi. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ee 24 jirka ah ayaa qandaraas kula jira Eagles ilaa xagaaga 2026 Eddie Howe ayaa daafacan dhexe ka dhigay bartilmaameedka mudnaanta xagaagan.                                             Kooxda Newcastle ayaa xiriir la samaysay kooxda Crystal Palace oo ay ka doonayso daafaca reer England ee Marc Guehi.
Tabaraha new castel ayaa sheegay in Guehi uu  ku habboon cayaartoyga uu raadinayo dhanka midig laakiin sidoo kale ka ciyaari kara bidix.                           Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa ah qiimahiisa mid aad u badan marka loo eego kobaca uu sameeyey cayaarihii Euro 2024 iyo xaqiiqda ah in labo sano ay uga harsan tahay qandaraaskiisa.
Newcastle wali waa inay ka warqabtaa sharciga dhaqaalo wanaaga, taasoo la macno ah haddii dalabaadka Palace ay noqdaan kuwo aad u sarreeya waxaa laga yaabaa inay dib uga fikiraan raacitaanka Guehi.Inkastoo xidigii ay isku dalka ahayeen ee Ben white ay United ku dooneyso 60 ku dalbatey everton in ay ku fasaxdo sidaa si la mid ayey rabaan crystal palace sida ay sii qayaaseen qubaraha isports ka faaloodo laakin lama oga wixii dhex marey labada naadi oo ku saabsan qiimaha heshiiska.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *