Aston Villa ayaa heshiis la gaartay Chelsea si ay ula soo saxiixato weeraryahankeeda Romelu Lukaku, kaasoo haatan diidan inuu wadahadal la galo kooxda Unai Emery isagoo weli sugaya inuu Napoli heshiis ka gaaro. (Il Mattino - Italy)

Kooxaha Arsenal,Atletico Madrid iyo Real Madrid ayaa dhamaantood ka hadlay xiisaha ay u qabaan xiddiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot kaas oo beeca xorta ah lagu heli karo kadib markii uu ka tagay Juventus. (Gazzetta dello Sport – Italy)
Wakiilka xiddiga kale ee Juventus, garabka Federico Chiesa, ayaa wadahadalo kula jira Arsenal, Chelsea, Manchester United iyo Tottenham Hotspur. (La Stampa - Italy)

Joe Gomez ayaa ka fiirsanaya mustaqbalkiisa Liverpool xilli uu ka niyad jabsan yahay wararka sheegaya in ay suurtagalnimada in uu heshiis isku badalasho ah oo qeyb ka yahey lagu kala bedesho xidiga garabka ee  Newcastle United Anthony Gordon. (Football Insider)

Tottenham ayaa raadineysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Bournemouth Dominic Solanke. (Fabrizio Romano)

West Ham United ayaa ku sii dhawaanaysa in ay laba jibaarto saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Niclas Fullkrug iyo xidiga garabka Leeds United Crysencio Summerville. (Sky Sports)

Arsenal ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaartay weeraryahanka Sporting CP Viktor Gyokeres waxayna sii wadaa wadahadalo ay la gasho kooxda reer Portugal oo doonaysa 80 milyan oo euro (£67.9m) inay ogolaato iibka. Arsenal ayaa sidoo kale waxaa isha ku haysa weeraryahanka Napoli Victor Osimhen, kaasoo mugdi ku jira mustaqbalkiisa. wadahadaladii Chelsea iyo Paris Saint-Germain ay ku guuldareysteen inay horumar sameeyaan. (Corriere dello Sport – Italy)

Manchester City Pep Guardiola ayaa soo jeediyay heshiis isku badalasho ah kaasoo Julian Alvarez u aadi doono Real Madrid si uu u helo xiddiga reer Brazil ee Rodrygo. (El Nacional – Spain)

Man Utd ayaa dardar galin doonta raadinta daafac dhexe iyo weeraryahan cusub ka dib dhaawacyo ka soo gaaray xilli ciyaareedka cusub Leny Yoro iyo Rasmus Hojlund.    (The Telegraph)


Marseille Dalabkii ugu horeeyay ee ay Marseille ka gudbisay weeraryahanka Arsenal Eddie Nketiah “waa lagu qoslay” waxaana sidoo kale laga yaabaa in la diido dalabka labaad ee kooxda reer France oo ku kacaysa 17 milyan ginni. (Dharmash Sheth)

Juventus ayaa dooneysa weeraryahan cusub waxaana ka dhigtey weeraryahanka Chelsea Armando Broja kaasi oo ah mid macquul ah. Blues ayaa doonaysa iib joogto ah laakiin waxa laga yaabaa in ay soo dabcaan marka uu soo dhawaado suuqa kala iibsiga xirankiisa. (Gazzetta dello Sport – Italy)

Real Madrid ka dib bixitaankii Nacho Fernandez, Real Madrid ayaa bartilmaameed ka dhigtay daafaca dhexe ee Inter Alessandro Bastoni. (Mundo Deportivo – Spain)

Lazio ayaa xiriir la sameysay wakiilada weeraryahanka Barcelona Vitor Roque oo ku saabsan suurtagalnimada suuqa kala iibsiga xagaaga. (Calciomercato – Italy)

Barcelona ayaa doonaysa in ay dib ula soo saxiixato labada xiddig ee Manchester City Joao Cancelo iyo kan Atletico Madrid ee Joao Felix laakiin diyaar uma aha in ay wax lacag ah ku bixiyaan si ay heshiisyada u dhamaystiraan. Qorshuhu waa in la sugo ilaa goor dambe ee suuqa ah si loogu qasbo labada dhinac inay ku heshiiyaan heshiisyo qiimo dhimis ah. (Mundo Deportivo – Spain)


Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *