Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah inay u ogolaato Manuel Ugarte inuu amaah ku baxo xilli ciyaareedka 2024/25, iyadoo Manchester United ay weli xiiseyneyso saxiixa xiddiga reer Uruguay, warbixin ayaa sidaas sheegtay.
Red Devils ayaa baadi goob ugu jirta ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah si uu u buuxiyo Kobbie Mainoo oo ah mashiinka khadka dhexe ee United, waxaana ay wadahadalo ku saabsan Ugarte kula jirtay PSG dhowr toddobaad hadda.
Kooxda heysata horyaalka France ayaa ku sii dhawaaneysa saxiixa xiddiga Benfica ee Portugal Joao Neves, kaasoo sidoo kale lala xiriirinayay United horaantii sanadkan. Sidaas oo kale, PSG ayaa u muuqata inay diyaar u tahay inay soo dabciso mawqifkeeda khadka dhexe ee Ugarte.
L’Equipe ayaa ku warameysa in PSG ay go’aansatay inaysan wax qasaaro ah kala kulmin Ugarte, kaasoo xagaagii hore kaga soo biiray Sporting CP €60m (£50.6m). Iyadoo taas maskaxda lagu hayo, waxay diyaar u yihiin inay amaahiyaan 23-jirka haddii ay helaan koox amaah ku qaadata oo bixisa mushaarkiisa heshiiskana waxaa ku jira in kooxda ay dooq u haysato in ay iibsat. Ilaa hadda, United ma awoodin inay bixiso dalabaadka PSG, laakiin hamigooda waxaa sii xoojin kara baahida kooxda Ligue 1 ah in ay iibiso ciyaartoy si ay boos uga helaan weeraryahan cusub. Wali ma aysan keensanin badelka Kylian Mbappe, inkastoo ay wadahadalo la yeesheen Napoli oo ku aadan saxiixa weeraryahan Victor Osimhen.
Haddii PSG ay weyso dalab la aqbali karo oo ku aadan Ugarte, waxay taa bedelkeeda isku dayi doontaa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Carlos Soler, kaasoo ay doonayaan Brighton & Hove Albion iyo West Ham United.

Dhanka kale, United ayaa weli lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqdo daafaca Bayern Munich Matthijs de Ligt. Waxaa laga yaabaa inay u baahdaan xoojin dheeri ah oo ku aadan daafaca dhexe ka dib markii saxiixii xagaaga ee Leny Yoro uu garoomada ka maqnaan doono seddex bilood ka dib dhaawac cagta ah.
wixi ah ee ku saabskan warar kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *