Isku diyaarinta Manchester United ee xilli ciyaareedka 24/25 ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo waaweyn xidigahoda Leny Yoro iyo Rasmus Hojlund, iyadoo daafaca reer France uu seddex bilood garoomada ka maqnaan doono.
Daafaca dhexe ayaa lagu arkay isaga oo biraha ku boodaya xerada tababarka United isku diyaarinta cayaartii saaxiibtinimo ay la cayaayeen Real Betis, isagoo ku dhaawacmey kulankii hore ee guuldarada 2-1 ay kala kulmeen Arsenal ee SoFi Stadium Los Angeles.
Yoro hadda lama filayo inuu garoomada ku soo laabto ilaa dabayaaqada bisha October, halka xiddiga heerka caalami ee dalka Denmark Hojlund uu maqnaan doono lix usbuuc ka dib dhaawac muruqa ah oo ka soo gaaray isla ciyaartas. Laakin ma cayaari doono ilaa laga gaaro fasaxa cayaaraha qaramada ah ee Sebtembar, sida laga soo xigtay BBC Sport.
Halka United ay gaartay guusheedii labaad ee xilli ciyaareedka ka dib markii ay Real Betis ku garaacday garoonka Snapdragon Stadium ee San Diego iyadoo uga mahadcelineysa goolasha Marcus Rashford, Amad Diallo iyo Casemiro, tababare Erik ten Hag ayaa walaac kale ka qaba taam ahaanshiyaha inuu ka fikiro ka dib markii Rashford uu dhaawac ku baxay wax yar uun ka dib ciyaarta.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England, oo aan lagu darin xulka Gareth Southgate ee Euro 2024, ayaa u muuqday mid dhaawac ka soo gaaray canqowga oo uu sii wadi kari waayay.
United xilli ciyaareedkii 2023/24 waxaa si xun u saameeyay tiro dhaawacyo ah, iyadoo Lisandro Martinez, Mason Mount iyo Luke Shaw ay ka mid yihiin xiddigaha kooxda koowaad ee sida joogtada ah uga maqan XI-ga uu doorbido Ten Hag.

Hada dhaawacan Yoro ay soo dedejindoonta dalabka Red Devils ee ah inay la soo wareegto daafac dhexe oo kale inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan ayaa ah mid la arki doono. Daafaca Everton Jarrad Branthwaite ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford, halka Matthijs de Ligt uu sidoo kale xiiseynayo United. Waxa ay haatan cayaari doonaan kulankoodii ugu dambeeyay ee saaxiibtinimo iyaga rajeynaya in aan wax dhaawac ah soo gaarin. Waxa ay la ciyaari doonaan kooxda ay ku xafiiltamaan Premier League ee Liverpool subaxa hore ee Axada ka hor inta ayna la cayaarin Manchester City kulan ka tirsan Community Shield usbuuca soo socda.

wixi ah ee ku saabskan warar kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *