Manchester City ayaa lagu ganaaxay jabin sharci u yaalo Premier League bilowga xilli ciyaareedka 2022/23 iyo 2023/24. Horyaalka Premier League ayaa xaqiijiyay in ay heshiis ka gaareen xukunka kooxda Man City inkastoo marar badan dib u dhac ku yimid kulamado badan oo ay yeeshen. War qoraal ah oo soo baxay ayaa lagu yiri: “Premier League iyo kooxda Manchester City FC waxay wada galeen heshiis ganaax kadib markii kooxdu aqbashay inay jabisay sharciga Premier League ee L.33 
Jebinta sharcigaan ayaa la xiriirta dhowr kulan oo Premier League ah inta lagu gudajiray xilli ciyaareedka 2022/23 iyo 2023/24.

Xeerka Premier League ee degsan xiliga ay cayaarta bilaabaneyso iyo waqti nasashada kooxaha waxba kama bedeli karaan. "Naadi kasta oo sabab la'aan dib uma dhiga bilowga ciyaarta League ee wakhtiga loo qabtay ama dib u bilaabashada qeybta labaad ee cayaarta nasashada ka dib waxaa ku dhacaayo ganaax lacageed iyadoo la raacayo qodobbada Qaybta Anshaxa ee sharciga ku qoran Premier League ayaa muujinaya in City ay ogolaatay ganaax dhan 1.24 milyan ginni oo ah ganaxii sharci jebinta ay ku sameeyeen sharcigii Premier league xilli ciyaareedkii 2023/24.


wixi ah ee ku saabskan warar kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *