Daafaca Nottingham Forest Murillo ayaa u heellan mustaqbalkiisa kooxda xilli ay soo baxayaan tartan adag oo u dhaxeeyo labada kooxood ee kala Chelsea iyo Tottenham Hotspur si ay koox waliba ula soo wareegi laheyd xidigaan.
Waxaa la soo wariyay ilaa bishii Maarso in kooxda Foresta ay soo neysay in ay iiska iibiyo laacibkaan Murillo si ay uga fogaato ganaaxii ku dhacey dhanka jabinta sharciga maaliyadeed ka dib markii lagu jarey dhibco. 22-sano jirkaan ayaa u soo dhaqaaqay garoonka City Ground xagaagii hore, wuxuuna saameyn degdeg ah ku yeeshay Premier League 36-kii kulan ee uu u saftay Forest.
Awoodiisa ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo Yurub ah, iyadoo labada kooxood ee Chelsea iyo Tottenham lagu soo waramayo inay safka hore kaga jiraan loolanka loogu jiro saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, wareysi uu siiyay The Telegraph, Murillo ayaa xaqiijiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo Forest ugu yaraan xilli ciyaareed kale.

"Waxaan u baahanahay waqti-ciyaareed joogto ah, runtiina waxaan dareemayaa in Forest aan joogo meesha ugu fiican xirfadeyda," ayuu yiri. “Halkaan sii joogo xilli ciyaareed kale waxay ii suurtagelin doontaa inaan qaan-gaaro ciyaaryahan ahaan oo aan ugu dambeyntii noqdo mid si fiican ugu diyaargarooba haddii fursadda ay mar uun timaaddo inaan heer kale ka ciyaaro maalin.

"Dabcan waxaan rabaa inaan ugu danbeyn ka ciyaaro Champions League, markii aan yaraa waxaan ciyaari jiray ciyaaraha Playstationka fifa waxaana la ciyaari jiray kooxahaas oo dhan, mar kasta oo aan maqlo muusiga caanka ee champions league ka hor ciyaaraha waxaa i dhaqaaqi jirey jirka oo dhan, waxayna ahayd riyo in aan mar un ka ciyaaro tartankaas.
“Lakiin waxaan diirada saarayay shaqadayda halkan boqolkiiba 100, waxaana kaliya doonayaa inaan sameeyo waxa ugu fiican

“Waxa uu ahaa xilli aan wax badan bartay, markii hore ma hubin in aan muujin doono qiimahayga, mar walba waxa aan aaminsanaa kartidayda laakiin waxa aan su’aal waydiin jiray naftayda, shaqo badan oo aan qabtay waxa aan ku guulaystay in aan xilli ciyaareed fiican qaato, Illahay idamkii waa ka sii fiicnaan doonaa xilli ciyaareedkan.

"Weli waxaan aaminsanahay inaan ka sii fiicnaan karo. Koox ahaan waxaan sidoo kale aaminsanahay inaan u dagaalami doono boos wanaagsan oo aan yeelan doono hami sare.”

Forest ayaa bilaabmi doonta xili cayaaredka cusub ee Premier League 17ka Agoosto markaas oo ay ku martigelinayaan Bournemouth garoonka City Ground

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *