Manchester United ayaa heshiis la gaartay daafaca midig ee Bayern Munich Noussair Mazraoui, sida ay sheegayaan wararku soo baxey saaka.
West Ham United ayaa ku raad joogtay saxiixa Mazraoui laakiin is afgaranwaa ku yimid wada xaajoodkoda ayaa albaabka u furay Erik ten Hag si uu dib ula midoobo daafaciisii ​​hore ee Ajax. Sida ay markii hore daaha ka qaaday wargeyska sports ee Foot Mercato, United waxa ay Bayern kula heshiisey ku dhowaad 25 milyan oo Yuuro (£21.2m) in ay kula wareegaan Mazraoui, kaasoo mar horeba heshiis shaqsi ah la gaaray Red Devils, isla markaana doonaya inuu u dhaqaaqo Premier League. Horyaalka

The Guardian ayaa qiimaha heshiiska ku soo sheegtey lacag u dhaxaysa 15 ilaa 20 milyan oo gini, waxayna xustay in Ten Hag uu ku riixay kooxda saxiixa Mazraoui iyada oo rajaynaysa in 26 jirka reer Morocco uu si fiican ula cayaaro saaxiibkiisii ​​hore ee Ajax Antony kaasi oo ku dhibtoonaya kooxdiisa United.

Si kastaba ha ahaatee, dhibka kaliya muhiimka ah ee hortaagan heshiiskaan ayaa ah mustaqbalka Aaron Wan-Bissaka. Waxaa la rumeysan yahay in United ay u baahan tahay inay iska iibiso daafaceeda midig marka hore ka hor inta aysan awoodin inay dhameystirto heshiiska Mazraoui.

Wan-Bissaka, oo galay sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa United, ayaa bartilmaameed u ahaa West Ham horaantii xagaaga ka hor inta aysan xiisahood u weecin Mazraoui, laakiin Hammers ayaa la rumeysan yahay inay dib u soo celisay xiisahooda. Lacag dhan 15 milyan ginni, oo la mid ah tii ay West Ham iyo Bayern ku heshiiyeen Mazraoui, ayaa la filayaa inay ku filnaato in Wan-Bissaka lagu helo iibsado. Wararka qaar ayaa xitaa sheegaya in heshiis dhexmaray United iyo West Ham uu mar hore dhacay. Wan-Bissaka ayaan wali heshiis shaqsi ah la gaarin West Ham laakiin lama filayo in ay jiraan wax caqabado ah oo hortaagan wada xaajoodyadaas.

Dhanka United, u dhaqaaqista Mazraoui ayaa xal u noqon karta- dhibaatada dhanka daafac bidix maadaama Moroccan uu sidoo kale uu ka cayaari karo daafaca bidix, kaasoo dhawaan loo aqoonsaday inuu dhibaato ka jirto booskaas kooxda Ten Hag.

Luke Shaw ayaan u safrin ciyaaraha isku diyaarinta xilli ciyaareedka isaga oo ka soo kabanaya dhaawac ka soo gaarey cayaarihii England ay u soo baxday finalka Euro 2024, halka Tyrell Malacia uu sidoo kale looga tagay gurigiisa isagoo sii wada daweyntiisa dhaawac jilibka ah kaasoo keenay inuu seego gabi ahaanba xilli ciyaareedkii hore.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *