Manchester United ee ku aaddan saxiixa Jarrad Branthwaite ee everton ayaa laga yaabaa in laga caawiyay xili kooxda Toffees ay ku dhowaaqi lahayeen saxiixa Jake O’Brien oo ka ciyaari doona kooxda Lyon. (Fabrizio Romano)

Liverpool tababarahood Arne Slot ayaa aad u doonaya inuu soo galo soo galinta daafaca kooxda Juventus Gleison Bremer xagaagan, inkastoo laacibka reer Brazil uu qandaraas ilaa 2028 kula jiro kooxda waaweyn ee talyaaniga. (TEAMtalk)

David de Gea rajadii uu ka qabay ku biiritaanka Genoa ayaa ku jirta wali ka fiirsasho, iyadoo kooxda talyaaniga aysan ka fiirsaneyso imaanshihiisa iyo qaabkii ay u maareyn lahaayeen qarashaadkiisa . (Il Secolo XIX)

Manchester City Kalvin Phillips ayaa ku war galiyay kooxda Manchester City inuu doonayo inuu si joogta ah uga tagp kooxda. Kooxahaan Premier League ka cayaara ee kala ah Everton iyo Aston Villa ayaa ka fakaraya heshiisyo amaah ah in ay ku soo qaataan xidigaan reer England. (Football Insider)

Barcelona ayaa kala kulantay tartan xidigii euro 2024-ka Nico Williams kooxda Paris ee Saint-Germain, oo ku shaqeynaya heshiis ay kula wareegto saxiixa laacibka garabka weerarka uga cayaara naadiga ee Athletic Club. (RMC) PSG ayaa ku dhow inay heshiis dhamaystiran la gasho kooxda benfica ee ku aadan xidiga heerka caalami ee xulka dalka Portugal Joao Neves, kaasi oo lagu wado inuu heshiis 5-sano ah u saxiixo kooxda horyaalka Faransiiska. (Fabrice Hawkins)

Arsenal ayaa laga yaabaa inay bartilmaameedsato ciyaaraha Argentina ee Ezequiel Fernandez oo badal u ah Thomas Partey. (Football London)

Riccardo Calafiori ayaa u duulay magaalada London si uu u soo arko meeshii uu degi lahaa iyo garoonka kooxda Arsenal. Kooxda ka dhisan waqooyiga London ee Arsenal ayaa sidoo kale dul dhigtey lacag aad u badan oo ay ku ogolaaneyso in laacibka lagu magacaabo Eddie Nketiah uu u saxiixo marseille. (La Provence)

Bayern Munich Xavi Simons ayaa iska diiday fursaddii uu ugu soo biiri lahaa kooxda Bayern isagoo taa badalkeedana xili ciyaareed kale lasii joogi doona kooxda kooxdiisa RB Leipzig. (SKY GERMANY)

Chelsea, Liverpool, Man Utd, Aston Villa iyo Brighton ayaa dhamaantood isha ku haya laacibka kooxda Hoffenheim ee Maximilian Beier, halka kooxda Juventus ay sidoo kale ku soo biirtey kooxahaan doonaya laacibkaan in ay la soo wareegan. (BILD)

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *