Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa “boqolkiiba 100 aaminsan” Marcus Rashford, kaas oo hoos u dhac wayn ku yimid qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkii hore kaas oo sababey in uu boos ka waayo xulka England ka qeyb galey Euro 2024.

Rashford waxaa uu dhaliyey kaliya sideed gool 2023/24, marka la barbar dhigo waqtiyadii wacnaa ee uu ku soo qaatey kooxdaan wuxu ahaa sanadkiisi ugu liitey inkastoo kii ka horeeyey xitaa ahaa mid aan fiicneyn hadana kan ayaa ugu liitey dhamaanba. Waxaa jiray ganaaxyo ku dhacey bishii Janaayo ee sanadkaan kaas oo ku saabsan anshax marin ka dib markii ciyaaryahanku seegay tababarka ka dib habeen uu ku maqnaa Belfast oo ah meelaha habeenkii lagu caweeyo. Warbaahinta sportska ayaa horaantii xagaagan sheegtay in United ay diyaar u tahay inay iska iibiso Rashford, laakiin Ten Hag ayaa taageeray 26 jirkaan, waxaana uu rajeynayaa magacaabista ku xigeenka tababaraha ee loo magacaabey dhowaan weeraryahankii hore ee United Ruud van Nistelrooy ay saameyn wanaagsan ku yeelan doono dhamaan weeraryahanada United.

“Sababta uu Ruud halkan u joogo waa caddahay, wuxu caawin doonaa weeraryahannada kooxda, laakiin taas waxaa dheer ” ayuu yiri Ten Hag. in Rashford uu isagu is muujin karaa oo kaliya, waa awoodaa taas waxa uu dhaliyay goolal badan isaga oo da’yar ah, waa uu awoodaa, waan ku kalsoonahay, boqolkiiba 100 waxa aan aaminsanahay, waxa uu samayn karaa si la mid ah sidii sanadihii hore. “

Rashford ayaa dhaliyay 131 gool 402 kulan oo uu u saftay United tan iyo markii uu ku soo biirey kooxda kowaad isagoo 18 jir ah 2016. Waxaa dhibka ku soo bilowdey xidigaan 2021/22 oo uu dhaliyey afar gool bes xilli ciyaareedkas niyad jabka leh ,natiijadaas oo sababta dhaawac garabka ah oo uu ka maqanaa in mudo ah iyo kooxd United oo gashey xilli cayaareed adag iyagoo aan haysan tababare joogto hal xili cayaareed oo ay isbedeleen dhowr macalin.

Waxaa jira tartan loogu jiro boosaska weerarka xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo kooxda ay Joshua Zirkzee kala soo wareegay Bologna si uu ula tar tamo Rasmus Hojlund, iyo Jadon Sancho oo dib ugu soo laabtay safka hore ka dib wadahadalada hawada ee Ten Hag. Alejandro Garnacho sidoo kale joogo isagoo wacdaro dhigey xili cayaareedkii hore oo ka cayaarey weerar garabka ah.

Van Nistelrooy ayaa 150 gool u dhaliyay United muddo sanado ah labaatan sano ka hor, waxaana uu dib ugu soo laabtay kooxda ka dib markii uu waayihiisa tababarenimo ka soo bilowday PSV Eindhoven.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *