Arsenal ayaa ah kooxda ugu cadcad tartanka loogu jiro saxiixa Mikel Merino oo ka tirsan Real Sociedad, waxaana la filayaa inay kor u qaadaan xiisaha ay u qabaan xidigaan maalmaha soo socda, warbaahinta u dhow dhow kooxda Gunners ayaa sheegay in ay ku dhow yhiin inay soo gabagabeyso saxiixii labaad ee suuqa xagaaga, iyadoo Riccardo Calafiori uu uga soo dhaqaaqay Bologna lana gabagabeyey heshiiskiisa ka dib markii uu tijaabada caafimaadka maray isbuucaan. Kadib wuxuu ku biiri doonaa kooxda koowaad ee socdaalkooda USA ku jira. Hada waxaa soo gabagaboobey saxiixii Calafiori ka dib Arsenal ayaa u jaheysatey inay u dhaqaaqdo Merino, kaasoo u soo baxay bartilmaameedkooda ku haboon oo ay ku raadinayaan ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah. Merino waxa uu ahaa mid ka mid ah xiddigaha Spain ee soo hantey koobkii Euro 2024 xagaagan, inkastoo uu inta badan ka soo muuqday kursiga keydka hadana waxa uu si gaar ah u dhaliyay goolkii guusha ee waqtigii dheeriga ahaa ee uu ka dhaliyay Germany wareega sideed dhamaadka. Laakiin warbaahinta ayaa fahansan in Merino uu ahaa bartilmaameedka waqti dheer ee Arsenal iyo xiiso ay u qabeen ka hor Eurihii xagaagan, iyadoo tababare Mikel Arteta uu yahay awooda ka danbeysa raadintaanka xidigaan dhowr xili cayaareed oo hore.

Inkastoo Merino jirsaday 28 sano bishii hore, Arsenal ayaa muujisay inay diyaar u tahay inay soo iibsato ciyaartoy khibrad leh iyo sidoo kale kuwa da ‘yar. Dhab ahaantii rikoorka ah ee Merino ee 348 kulan oo waaweyn ayaa soo jiidanaya Gunners, halka aysan wax shaki ah ka qabin la qabsiga Premier League ka dib markii uu xilli ciyaareedkii 2017/18 la qaatay Newcastle United. Qodob kale oo muhiim ah ee xidigaan Merino ayaa ah inuu galayo sannadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa Real Sociedad waxaana lagu iibin karaa wax yar 21 milyan ginni (€25m). Inkasta oo kooxdiiisa haatan ay jeclaan lahayd inay sii haysato Merino, haddana rajo kama qabo inuu u kordhiyo heshiiskiisa joogistiisa ah, waxaanay kalsooni badan ku qabaan inay sii haystaan ​​saaxiibkii oo ay Arsenal bartilmaameedka u ahaaa ee Martin Zubimendi, kaasoo si cad uga hadlay jacaylka uu u qabo kooxda reer Spain oo aan waligiis muujin inuu doonayo inuu ka tago. Atletico Madrid ayaa ah kooxda ay aadka ugu xifaaltamayaan kooxda Arsenal ee xidigan Merino, iyadoo kooxda uu hogaamiyo Diego Simeone ay suuqa ugu jirto ciyaaryahan khadka dhexe ah waxeyn aad u rabaan Conor Gallagher ee kooxda Chelsea, laakiin waxa uu ku kici doonaa laba jibaar qiimaha suurtagalka ah ee Merino suuqa ka joogo hada.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *