Manchester United Daafacoda  Aaron Wan-Bissaka ayaa diiday inuu xagaaga u wareego kooxda West Ham United, isagoo taa bedelkeeda doorbidaya inuu u wareego kooxda heysata horyaalka Serie A ee Inter.( talkSPORT)

Arsenal ayaa wadahadalo la furtay Paris Saint-Germain oo ku aadan xidigaan Fabian Ruiz, kaasoo qaatey waqti ciyaareed cajiib ah oo koobkii Euro 2024 ee xulkiisa Spain laakiin heshiis kasta ayaa u baahan Gunners inay iska iibiso ciyaaryahan marka hore. (Football Transfers)

Manchester City ayaa dalab u dirtay RB Leipzig si ay u hesho xiddiga reer Spain ee Dani Olmo, inkastoo ciyaaryahanka uu weli doorbido inuu u dhaqaaqo Barcelona. (Foot Mercato - France)

Barcelona ayaa dalabkii ugu horeysay ka gudbisay 40 milyan ginni xidigaan Olmo, kaasoo loo bixin doono afar qeybood, iyo sidoo kale 20 milyan oo dheeri ah. (Mundo Deportivo – Spain)

Chelsea iyo Real Madrid ayaa ku jira wada hadalo ay ku sameeyn rabaan heshiis is dhaafsi ah oo ay ku lug leeyihiin goolhaye Kepa Arrizabalaga iyo Andriy Lunin. (AS - Spain)

Liverpool ayaa xiiso u qabta daafaca xulka qaranka Brazil iyo kooxda Juventus ee Gleison Bremer laakiin waxa loo sheegay in ay u baahan yihiin in ay ku soo dalbadaan 50 milyan oo gini si ay ula soo wareegaan. (Football Insider )

Brentford qorshaha ay ku iibinayso weeraryahankeeda Ivan Toney oo ay doonayaan West Ham iyo Tottenham Hotspur waxaa sii murjiyay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray xidigoodi ay 30 milyan ginni ka soo bixiyeen Igor Thiago. (The Sun)

Jakub Kiwior ayaa diyaar u ah inuu ka tago Arsenal xagaagan iyadoo kooxda waqooyiga London ay isku diyaarinayaan inay Riccardo Calafiori ku soo dhaweeyaan Emirates Stadium. (Mirror)

Everton daafacooda Jarrad Branthwaite ayaa joojinaya inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda everton ee Goodison Park ka dib xiisaha ay u qabto Man Utd. (Mirror)

Miisaanka culus ee Scottish Premiership Rangers ayaa wadahadalo horumar leh kula jira Hannibal Mejbri oo ay amaah kaga soo qaateen Manchester United. (Africafoot)
Newcastle United Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Miguel Almiron ayaa ku sii dhawaanaya inuu u dhaqaaqo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo wadahadalo kula jira koox aan la magacaabin oo heer gabo gabo ah maraya. (Football Insider)

Crystal Palace ayaa ogolaatay heshiis 12.7 milyan ginni ah oo ay kula soo saxiixaneyso garabka hore ee Watford Ismaila Sarr oo ka yimid kooxda Ligue 1 ee Marseille. (Standard)

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/Ikon för Verifierad av gruppen

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *